Beyrut Waxaa Lagu Qabtay Munaasabad Loogu Duceynayo Dadkii Ku Dhintay Qaraxa

0
270
Shacabka magaalada Beyrut ayaa ka qeyb galay munaasabad Alle bari ah oo loogu duceynayay in ka badan 200 qof oo ku geeriyootay qaraxii toddobaad ka hor gilgilay caasimadda Lubnaan.

Dadweyne badan ayaa isugu uruuray meel u dhaw halkii uu qaraxa ka dhacay, waxay u duceynayeen dadkii ku dhintay halkaas, waxay munaasabaddan qabteen abbaare 18:09 oo ku beegeen waqtigii uu qaraxa dhacay.

Dadka ayaa ka careysan qaraxyadii waaweynaa ee dhacay maalintii talaadada, kuwaa oo saraakiisha dalkaas ay sheegeen in uu ka dhashay 2,750 tan oo maadada ammonium nitrate oo si aan wanaaganeyn ugu keydsanaa bakhaar ku yaala dekedda tan iyo sanadkii 2013-ka.

Dad badan oo reer Lubnaan waxay aaminsan yihiin dayac dhanka dowladda ay sabab u ahayd qaraxyada.

 

Dibadbaxyo looga soo horjeedo dowladda oo ka dhacay Beyrut

Ra’iisul wasaare Xasan Diab ayaa shaley ku dhawaaqay in xukuumaddiisa ay is casihay, wuxuu xilka qabtay bishii Jannaayo xilli uu taageero ka helayay ururka Xisbullah.

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa booqasho ku tagay magaalada Bayruut Khamiistii, waxaanu sheegay in uu doonayo inuu gargaar caalami ah dalka u codsado.

Wuxuu sheegay in Lubnaan ay u baahan tahay isbadello la taaban karo oo dhanka hogaanka. Wuxuu ku baaqay in baaritaan caalami ah lagu sameeyo wixii dhacay.

Qaraxyadii dhacay ayaa burburiyay gurya badan oo ku yaallay caasimadda waxaana ku guri beelay dad lagu qiyaasay 250 kun oo qof. Dad badan ayaa wali la’ yahay, kuwaas oo qaar kamid ah la aaminsan yahay inay ku hoos xaniban yihiin dhismayaashii burburay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here