25 Warqadood Oo Ay Is Waydaarsadeen Trump Iyo Kim Jong-un

0
249

Saxafiga caanka ah ee u dhashay dalka Mareykanka Bob Woodward, ayaa diyaarinaya daabacaadda buuggii labaad oo uu ka qoray maamulka madaxwayne Donald Trump.

Buugan oo lagu mgacaabo “Rage”, waxaa uu shaaciyay in uu ku daabici doono “25 warqadood oo ay is waydaarsadeen Trump iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un kuwaasi oo aan wali shaaca laga qaadin “.

Shirkadda wax daabacda ee Simon & Schuster ayaa bayaan buugan ku saabsan ku daabacday barta Amazon.

Buugani waxaa qeybta kore kaga dhagan sawir wayn oo ah kan madaxwayne Trump, waxaana lagu wadaa in la soo saaro 15 bisha September.

Shirkadda daabacaadda Simon & Schuster ayaa sheegtay in buuggan uu ka kooban yahay “macluumaad cusub oo cajib ah oo ay ka mid tahay go’aanadda amniga qaranka iyo howlgalada.

Waxaa sidoo kale macluumaadka uu xambaarsan yahay buugan ka mid ah tallaabooyiinkii uu Trump qaaday xilligii la shaaciyay in cudurka safmarka iyo musiibada dhaqaale.

 

Trump iyo Woodward

Woodward, oo ah mid ka mid ah wariyayaasha ugu caansan Mareykanka ee ka tirsanaa wargeyska Washington Post,ayaa waxaa uu magaciisa si wayn u soo shaacbaxay xilligii fadeexadii Watergate ee horseeday in uu xilka iska casilo madaxwayne Richard Nixon sanadkii 1970-yadii .

Trump oo ku tilmaamay buuga Woodward ‘mid khiyaali ah’

Buuggii ugu horeeyay ee Bob Woodward ee ku saabsanaa maamulka, oo uu ku magacaabay “Fear”, ayaa la soo saaray September 2018, waxaa uuna ka mid noqday buugaagta loogu gadashada badan yahay dalka Mareykanka.

Buugaasi ayaa ku saleysnaa wareysiyo laga qaaday boqolaal qof oo ka agdhawaa maamulka.

Waxyaabaha lagu xusuusto oo ku jiray buugaasi waxaa ka mid ah dikumiintiyo laga waayay miiska uu fariisto madaxwayne Trump si aysan isu casilin la taliyayaashiisa.

Madaxwayne Trump oo buuga lagu magacaabo “Fear” ku tilmaamay “mid khiyaali ah “, ayaa waxaa uu Trump bishii January u sheegay telefishinka Fox News in uu la kulmi doono Mr Woodward.

Buugan cusub ee imika lagu magacaabo, “Rage, ayaa waxaa uu ka kooban yahay qoraalo, emailo, ajandooyiinka shirarkii Trump iyo dikumiintiyo kale oo sir ah.

Waxaa uu sidoo kale buugan ku xusan hab dhaqankii Trump iyo qaabkii xukunka saddexdii sano ee maamulkiisa ugu horeeysay.

Wareysi uu siiyay wargayska Guardian qoraaga buugan Mr Woodward ayaa waxaa uu sheegay in u doonayo in uu shaaca ka qaado “wixii dhacay”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here