“Waxay Igu Tilmaameen Qof Waalan Markii Aan U Sheegay Inaan Shirkad Furanayo”

0
526

Milkiilaha shirkadda caanka ah ee sameysa waxyaabaha jirka lagu qurxiyo ee saldhigeedu yahay Mareykanka, Tata Harper ayaa sheegtay in aasaasidda shirkaddeeda ay dadku la yaabeen markii hore.

Ujeeddada Tata Harper ee soo saaridda waxyaabo dabiici ah oo jirka lagu qurxiyo ayaa soo bilaabatay markii adeerkeed hooyadeed qabay laga helay cudurka kansarka sanadkii 2005.

Dhaqaatiirtiisa ayaa kula taliyay inuu wax ka beddelo hab-nololeedkiisa. Waxay doonayeen inuu yareeyo waxyaabaha kiimikada leh ee jirkiisa galaya, haddii ay ahaan lahayd cuntada uu cunayay, amaba waxa uu jirkiisa u isticmaalayay sida shaambada iyo saabuunta.

Ms Harper ayaa sheegtay in tani ay horseedday inay xaqiiqsato in iyada iyo inta kale ee qoyska, ay sidoo kale u baahan yihiin inay isbeddel sameeyaan.

“Intii aan isaga u raadinayay waxyaabo cusub oo dabiici ah, waxaan sidoo kale nafteyda u raadinayay waxyaabo cusub, sababtoo ah waxaan isku dayay inaan ku noolaado nolol caafimaad leh,” ayay tiri haweeneydan 44-sano jirka ah ee u dhalatay dalka Colombia.

Harper waxay kasoo jeedaa deegaanka Barranquilla ee Colombia

Waxay u jeesatay cuntooyinka dabiiciga ah, waxayna gurigeeda u isticmaali jirtay waxyaabaha lagu nadiifiyo oo aan kiimiko lahayn. Si kastaba, waxay ka cago jiideysay in waxyaabaha qaaliga ah ee kiimikada leh ay uga guurto kuwa dabiiciga ah.

“Waxaan ahay gabar Latin ah waana jeclahay waxyaabaha la isku qurxiyo,” ayay tiri. “Waxyaabaha dabiiciga ah aad ayay rakhiis u ahaayeen, waxay ka sameysnaayeen sida saddex shey oo qura, kuma beddelan doono waxyaabaha jirka lagu qurxiyo ee qaaliga ah ee lagu sameeyo dalka Switzerland.”

Balse mar walba waxay dareemeysay in boos uu ka bannaan yahay suuqa is qurxinta, ayna ka maqan tahay shirkad soo saarta waxyaabaha dabiiciga ah. Sidaas darteed, inkastoo aysan wax khibrad ah u lahayn – waxay ahayd injineer dhanka warshadaha ah oo ka shaqeysay horumarinta – waxay go`aansatay inay sameysato ganacsi u gaar ah.

Waxyaabaha ay soo saarto Tata Harper

Shirkaddan oo ay ugu magac dartay ayaa qiimaheeda lagu qiyaasay in ka badan $65m (£49m), waxaana sanadkii ka soo xaroota canshuur ka badan $25m.

Dhanka kale, jilaayaasha kala ah Gwyneth Paltrow, Kate Hudson iyo Hilary Duff ayaa ka mid ah taageerayaasheeda ugu waaweyn, wargeyska Forbes ayaana ugu yeera “Boqoradda dhaqdhaqaaqa waxyaabaha la isku qurxiyo ee dabiiciga ah”.

Iyadoo ku fakaraysa inay aasaasto shirkad soo saarta waxyaabaha jirka lagu qurxiyo, ayaa waxay bilowday inay baaritaan badan ku sameyso waxyaabaha dabiiciga ah, dawooyin dhireedka iyo cilmi baarista dhanka dhirka.

Si kastaba, dadka ayaa qorshaheeda shaki ka muujiyay. “Dadku waxay ii sheegeen inaan waalanahay,” ayay tiri. “Waxa aan kala kulmay suuqa waxay ahayd in waxyaabaha la isku qurxiyo ee qaaliga ah iyo kuwa dabiiciga ah aysan isla jaan qaadi karin.”

Kama aysan niyad jebin, waxayna iyada iyo seygeedii hore qarash yar oo ay heysteen ku bilaabeen ganacsigooda. Waxay sheegtay inaysan ahayn howl fudud.

“Caadi ahaan, soo saaridda waxyaabaha lagu qurxiyo jirka waxay qaadataa labo toddobaad. baaritaanka wuxuu nagu qaatay shan sano.”

Tata Harper waxay qaar kamid ah badeecadaheeda kasoo saarta dawo dhireedka

Sanadkii 2010 wax soo saarkii ugu horreeyay ayaa diyaar u ahaa in la iibgeeyo, kaddibna ganacsiga Tata Harper ayaa la furay.

Markaas kaddib Tata, Henry iyo saddexdooda carruurta ah ayaa u guuray beer wax soo saarka dabiiciga ah ay ka baxaan oo ku taalla gobolka Vermont ee Mareykanka, oo 350 meyl waqooyi-bari kaga beegan magaalada New York. Ilaa iyo haatan dhammaan wax soo saarka shirkadda halkaas ayaa lagu sameeyaa.

Wax soo saarka shirkadda waxaa laga sameeyaa dhir ka baxda beerta, iyo waxyaabo kale oo dabiici ah oo laga keeno ilaa 70 dal.

Gwyneth Paltrow oo ah gabar jilaa ah waa mid kamid ah dadka xayeysiiso shirkadda Tata Harper

Gabadhan oo ku dhalatay kuna barbaartay magaalada Barranquilla ee dalka Colombia, markii ay yareyd waxay waxyaabaha la isku qurxiyo oo ay miraha ka sameysay u sameyn jirtay ayeydeed.

Marki ay iskuulka dhammeysay waxay jaamacad u aadday Mexico, halkaas oo ay shahaadada koowaad ee injineernimada warshadaha ka qaadatay Monterrey Institute of Technology. Kaddib sanadkii 2000 ayay u wareegtay Mareykanka, halkaas oo iyada iyo ninkeedii hore ka bilaabeen iibinta guryaha.

Sanado yar kaddib waxay isla ganacsigaas ka bilaabeen magaalada New York, waana markii Harper adeerkeed laga helay kansarka.

Shirkaddeeda waxaa haatan u shaqeeyaa ilaa 150 qof, waxaana sannadka kasta sare u kaca sare u kacaa boqolkiiba 50 badeecadaha ay iibiyaan.

Markii uu dunida saameeyay safmarka Corona, Harper waxaa ganacsigeeda saameeyay dhibaatada ka dhalatay cudurka, waxay si kumeel gaar ah u xirtay xarunteedii wax soo saarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here