Ciidanka Dab-damiska Oo Badbaadiyey Hooyo Fool Ah

0
318

Ciidanka Dab-damiska ee magaalada Hargaysa, ayaa Hooyo ku foolanaysay deegaanka Abaarso ka soo qaaday iyadoo ciidanku soo gaadhsiiyay Cisbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa , gaar ahaan qaybta umulaha.

Nasiib wanaag markii Hooyadaas ciidanku soo gaadhsiiyay cisbitaalka ayaa ay ku umushay goobtii.

Ciidanka ayaa ILLAAHEY ku guuleeyay in hooyadaas si deg deg ah u soo gaadhsiiyaan cisbitaalka guud ee magaalada.

Ugu dambayn Ciidanka ayaa ka qayb qaata arrimaha bini’aadanimo ee sida maalinlaha ah u dhaca, ee u baahan in wax laga qabto, Isla markaana laga soo dalbado qolka hogaaminta ciidanka Dab-demiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here