Xuska Khubaddii Taariikhiga Ahayd Ee Martin Luther King Ee “Waxaan Leeyahay Himilo”

0
278

Kumannaan qof ayaa isugu soo baxay magaalada Washington DC hallkaasi oo ay ku marayeen socod ay ku dalbanayeen caddaalad iyo sinaan dhanka midibka ah.

Waxaa dibadbaxayaasha halkudhigyadooda ka mid ahaa Jilibka ka qaad luqunteyda, taasi oo ay dadka ku muujinayeen qaabkii loo dilay George Floyd bishii May ee sanadkan.

Isu soo baxayadani ayaa lagu baaqay si lo xuso socodkii iyo isu so bixii Washington lagu qabtay sanadkii 1963 , halkaasi oo uu Martin Luther King ka jeediyay khudbadiisii taariikiga ahay ee lagu magacaabi jiray “waxaan leeyahay himmilooyiin “.

Wiilkiis oo lagu magacaabo, Martin Luther King the Third, ayaa ugu baaqay dad badan oo isugu soo baxay taaladda Lincoln in ays ii wadaan dagaalka loogu jiro sinaanta islamarkana lagu dadaalo sidii doorashada bisha November looga adkaan lahaa madaxwayne Donold Trump.

Waxaa sidoo kale goobtaasi khudbado ka jeediyay eheladda George Floyd, Jacob Blake iyo Breonna Taylor oo dhammaantooda ahaa dad madow ah oo ay booliiska toogteen sanadkan.

 

Qaar ka mid ah halkudhigyada dibadbaxayaasha

Gabadh la dhalatay George Floyd, oo ahaa ninkii ay dilkiisa dibadbaxyada ballaaran ay ka dhaliyeen guud ahaan Mareykanka aya ugu baaqday dibadbaxayaasha xuquuqda madaniga “inay xusuustiisii noqdaan”.

“Walaalkey maanta codkiisa ma joogo, waa in aan codkaasi noqonaa, waa in aan codka isbadalak noqonaa,” ayay tiri Bridgett Floyd”.

Mar sii horeysay saxafiga caanka ah ee lagu magacaabo Al Sharpton ayaa sheegay in la joogo xilligii dilalkaasi la joojin lahaa.

Isu so baxani ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xilli dilkii ugu dambeeyay ee ninkii madowga ahaa oo lagu magacaabi jiray Jacob Blake uu dhacay dhawaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here