Mudaharaaddo Ka Dhashay Kitaab Qur’aan Ah Oo La Gubay

0
317
Dibadbaxayaasha ka soo horjeeda gubista Kitaabka Quraanka ee taageerayaasha garabka midig ee Sweden iyo booliska ayaa isku dhacay intii lagu jiray saacado badan oo rabshado ay socdeen.

Baabuurta ayaa dab la qabadsiiyay, dukaammo ayaaa iyana waxyeello la gaadhsiiyey iska hor imaadkii ka dhacay magaalada koonfurta ku taal ee Malmö oo hadda la xakameeyay. Waxaa jiray dad badan oo la qabtay. Isla sidoo kale gawaadhi, ay ku jiraan kuwa amblunce-tu ayaa dhagxaan lala dhacay.

Halka booliiska dalka Sweden ay iyana rabshadahaas u xidheen dad gaadhaya 12 qof.

Dhanka kale booliska ayaa sheegay in dadka ka qayb qaadanayey ay gaadhayeen dhawr boqol oo qof oo u badan dhallinyaro.

Rabshadaha ayaa ka dhashay nuqul kitaab Qur’aan ah oo lagu gubay xaafada Rosengård, halkaas oo ay ku badan yihiin dad ka soo galootiga ah ee dalkaasi ku aan u dhalan.

Jimcihii hore ayay bilaysku ka horjoogsadeen siyaasiga midigta ee Dhaanishka ah ee Rasmus Paludan inuu ka soo qaybgalo bandhig ahaa gubitaanka kitaabka qur’aan ah.

Taageerayaashiisa ayaa se hawshoodii hore isaga sii watay. Sida oo kale waxa la soo tebiyey in la arkay saddex nin oo nuqul Qur’aanka ah ku dhex tuuraya meelo fagaare ah.

Booliska Sweden ayaa Mr Paludan dib ugu celiyey xadka, iyagoo sheegay inuu jiro ganaax labo sano ah oo uusan soo geli karin dalkan.

Madaxa xisbiga midigta-fog ee Stram Kurs (Hard Line) xisbiga ayaa hal bil oo xarig ah loogu xukumay dambiyo badan oo uu ka mid yahay cunsuriyad ka dhacday Denmark horaantii sanadkan.

Waxaa lagu xukumay inuu soo dhigo muuqaallo lid Islaamka ku ah barahiisa bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here