Wednesday, May 1, 2024
Home Warar Duulimaadkii Ugu Horreeyay Oo U Kala Gooshi Doona Israa’iil Iyo Imaaraadka

Duulimaadkii Ugu Horreeyay Oo U Kala Gooshi Doona Israa’iil Iyo Imaaraadka

0
345

Markii ugu horreysay taariikhda, waxa saaka lagu wadaa in duulimaad rakaab ah oo ka soo kicitimay Israa’iil uu soo caga dhigto dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, kadib markii labada dal ay caadi ka dhigeen xiriirka u dhexeeya.

Diyaaraddaasi waxa raaci doona wefdi ka socda Israai’iil iyo saraakiil Maraykan ah kuwaasoo gacan ka geystay gaaridda heshiiska nabadeed. Heshiiskaasi ayaa ah kii saddexaad ee Israa’iil ay la yeelato dal Carbeed.

Kalmadda nabad oo ku qoray luuqadaha Carabiga, Ingiriiska iyo Hebrew-ga ayaa lagu xardhay diyaaradda El Al ee ay leedahay Israa’iil.

Waxa sii raaci doona mas’uuliyiin ka tirsan Israa’iil kuwaas oo si rasmi ah u furi doona safaaradda dalkooda uu ku yeelanayo Imaaraadka si ay u sahasho isu socodka iyo ganacsiga u dhexeeya labada waddan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in lataliyaha Madaxweyne Trump ahna wiilka uu soddoga u yahay, Jared Kushner uu hogaamin doono wefdiga.

Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa todobaadkii hore soo afjaray cunaqabateynta ganacsiga ee uu ku hayay Israel.

Ra’iisal wasaaraha Israa’iil , Benjamin Netanyahu, oo kulan la qaatay lataliyayaal ka tirsan Aqalka Cad oo ka mid ah wefdiga raaci doona diyaaradda, ayaa sheegay in dalkiisa uu wadahadallo qarsoodi ah kula jiro waddamo kale oo Carab ah.

Waxa uu sheegay inuu filayo in dalalkaasi ay mari doonaan dhabaha Imaaraadka oo kale, isagoo intaa raaciyay in Falastiiniyiinta aanay hadda kadib lahaan doonin waxa uu ugu yeeray “go’aan qayaxan oo ay ku horjoogsadaan nabadda”.

Falastiiniyiinta ayaa si weyn u dhaliilay go’aanka uu Imaaraadka heshiiskaasi ku qaatay iyada oo aan xal laga gaarin colaadda kala dhexaysa Israa’iil

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan

  • Recep Tayyip Erdogan oo ka hadlay shirka ururka ay ku mideysan yihiin dalalka IMuslimiinta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

%d bloggers like this: