“Maxaa Hagar Daamada Inoogu Wacan 29 Sano Oo Dalkeenu Gooni Utaagan Yahay” Shaybe Cumar Cismaan

0
653

Marka laga hadlaayo hurumar dal markiiba niyadaada waxaa kusoo dhacaya dal ka dhisan dhamaan kaabayasha nololeed muwadiniintiisuna xaqay lahaayeen heleen.hadaba Soomaliland mudo ku dhawaad 30 sano ah horumar shaqsiyan ay dadku sameeyan maahane majiro horumar dawladu samayso marka laga yimaado amniga oo ay xasilisay, hadaba halkeebay sartu ka qudhun santahay maxaase ah caqabada aynu dhaafi la,nahay.

markaan ka istaago dhinaca doorashooyinka waxaynu wax ku dooranaa qaab dimquraadi hadana qabiilaysan {Qabyaalad Xaragoonaysa} hadaba reer waliba oo soomaliland degan waxay keenan musharaxiin umatala dawlada isla markaana ka mid noqda hogaamiyayaasha .ma yihiin hogamiyayaasha beeluhu soo xulan kuwo haboon?

runta marka aynu isu sheegno waatan halka la inaga haysata ,reer waliba waxaa uu soo xulaa nin qurbe jooga ama dalkaba ha jooge ninkaasi waa inuu ahada Af-miishaar{af-ku xoogle} been badan wax dhici kara isla markana an ahayn miskiin habayacsan ninkaasi hadii uu buuxiyo shuruudahas walaw yaanu aqoonba lahaane beeshu waxay ula hanqal taagaysa kamid noqoshada jagooyinka wadanka ugu sareeya . kaaga sii darane marka mudo xileedku dhamaado halkii lagala xisaabtami lahaa maxaad dalka iyo dadka uqabatay waxaa, lama waydiiyo taase waxaa lagu booba maxaad qabsatay maxaad boobtay iyo xoolo ma ka urursatay intad xilka joogtay. 

waa run dalkeenu wado fiican buu hayaa mustaqbal soo ifayana wuu leeyahay ee aynu bedelno qaab doorasheedka hogamiyayasheena ilayn waa kuwaynu hantideena ubadkeena mustaqbalkisa iyo siyaasada wadankena udhibanaynaye aynu ku doorano 

 

1: Aqoon waayo aragnimo iyo maan-furnaan

2: Qabyaalad la,aan iyo nin jeclaysi la,aan

3: in lala xisaabtamo markaynu doorano iyo marka aynu xilka ka rogno labadaba oo anu is odhan cidi kuma arkayse afka buuxso

shacabku isku duubni danta guud iyo danta gaarba haw gartaan ina hebelna yaynan doorane hogaamiye hilaadin kara hiraalkena mustaqbaleed aynu dalkeena ku amino masiirkiisa dambe 

 

SHAYBE CUMAR CISMAAN

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here