Ninkii Hore Ee Ilhaan Cumar Oo Iska Diiday Casuumad Uu Ka Helay Madaxweyne Trump

0
373

Xilli uu Madaxweynaha Maraykanka galaangal badan ugu jiro Ololihiisa Dib-u-doorashada ayaa waxa uu bilaabay inuu sameeyo Dhacdooyin Mar-la-arag ku ah muddadii uu xilkaasi hayey.

Madaxweyne Trump oo malaha Siyaasad ka soo gashay inuu casuumo Saygii hore ee Xildhibaand Ilhaan Cumar ayaa waxa uu kala kulmay Weji-gabax, kadin markii uu Axmed Xersi ka biyo-diiday Qaabilaadaasi.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook ku yidhi:

Nin aduunyo joogow maxaa aragti kuu laaban.

Madaxweynaha Mareykanka aa casumaad ii soo direy in uu ila kulmo. Rag aan ogahay hadeey fursadaan heli lahaayeen, inteey sawir la soogalaan ey dhihi lahaayeen, waxaan ka wada hadalney arimaha Soomaaliya. Wuu ku mahadsanyahay Madaxweynaha laakiin ma kulmi karno!!

Dhinaca kale, Tallaabadda Axmed Xersi ku laalay Casuumaadii Donald Trump ayaa waxa uu War Micno-sameeye ah u noqon karaa Ilhaan Cumar oo iyadu dagaal siyaasadeedkii ugu darnaa kula jirta Madaxweyne Trump oo isaga had iyo jeer Twitter-kiisa soo dhiga Qoraallo uu ku eedaynayo Ilhan Omar oo loo arko inay Trump ku noqotay Laf dhuun gashay oo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here