Wefti Uu Hogaaminayo Sheekh Dirir Oo Lagu Soo Dhaweeyey Laascaanood.

0
328

Sheekh Maxamed Shekh Cumar Dirir iyo wefti culimo ah oo uu hogaaminayo oo si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Sida uu ku soo waramayo wariye Liibaan Axmed Ciise (Liibaan Qaran) oo wakaaladda wararka Somaliland ee solna uga soo warama gobolka Sool, weftiga uu Sheekh Maxamed Shekh Cumar Dirir, hogaaminayo oo ka soo kicitimay gobolka Buuhoodle ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey dulaadka magaalada Laascaanood, kaas oo ay si weyn uga dhexmuuqdeen culimada gobolka Sool iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ee magaalada Laascaanood, waxaana halkaas ka hadlay xubno ka tirsan culimada gobolka Sool oo sheegay in ay aad ugu farxsan yihiin in ay halkaas ku soo dhaweeyeen weftiga culimad ah ee uu hogaaminayo Sheekh Maxamed Shekh Cumar Dirir, kana mid ahaayeen Sheekh Xasan Sheekh Cali Warsame, Sheekh Axmed Jaamac Ismaaciil Mire iyo Sheekh Mahad iyo culimo kale.

Geesta kale, Sheekh Maxamed Shekh Cumar Dirir, oo halkaas ka hadlay ayaa ka mahadceliyey soo dhaweynta ballaadhan ee loo sameeyey weftigooda, isaga oo intaas raaciyey in ay aad ugu faraxsan yihiin tagitaanka gobolka Sool, oo uu tilmaamay in aanu muddo dhawr iyo toban sannadood ah tagin, wuxuuna Sheekhu alle ka baryey inuu dadka iyo dalkaba inoo barakeeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here