Shandad Lagu Soo iibsaday Lacag Ka Badan 26-kun Oo Dollar Oo La Burburinayo+Sababta

0
334

Ciidamada ilaalada xuduudaha ee dalka Australia ayaa gacanta ku dhigay boorso qaali ah oo ka sameysan maqaarka yaxaaska xili haweeney soo iibsatay boorsadaasi ogolaansho la’aan dalkaasi ku galisay.

Boorsadan ayaa lacag ka badan 26-kun oo Dollar  lagaga soo iibiyay dukaanka Saint Laurent ee dalka Faransiiska, waxaana haweeneyda wadatay boorsadan la qabtay xili ay la galeysay gudaha dalka Australia.

Dalka Australia ayaa sharci ahaan la ogol yahay in loo dhoofiyo waxyaabaha ka sameyssan maqaarka Yaxaaska, hasa ahaatee dadka geenaya Australia waxyaabahaasi ayaa laga rabaa in ay helaan warqad ogolaansho ah sidoo kale bixiyaan 70-dollar.

 

Wasiirka deegaanka ee Australia ayaa sheegay in boorsadan booliisku qabteen in la bur burin doono, waxuuna xusay in talaabadan tahay mid dadka lagu xasuusinayo in ay qaataan warqada ogolaanshaha iyo bixinta lacagta laga rabo.

Dowlada Australia ayaa go’aansatay inaan talaabo kale laga qaadin haweeneyda leh boorsada la burburinayo maadaama ay kusoo iibsatay lacag qaali ah, waxaana burburinta boorsadan qaaliga ah hadal heyn badan ka abuurtay dalka Australia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here