Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Oo Ka Digay In Xisbiga Kulmiye Ku Burburo Gacanta Madaxweyne Muuse Biixi

0
231

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa ka hadlay Shirweynaha Xisbul-xaakimka Kulmiye iyo khilaafka durba hadheeyey, waxaanu soo jeediyey Talooyin gaar u ah Siyaasiyiin shaaciyey in aanay ka qayb-galaynin.

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir waxa kale oo uu ka hadlay Shir uu Toddobaadkii hore shaaciyey, waxaanu xusay inay wax iska beddeleen ujeeddadii shirkaa loo qabanayey.

Suldaanka oo Shalay u warramay Telefiishanka Bulsho ayaa isagoo ugu horrayn sharraxaya waxa iska beddelay Shirkii uu ugu hore ugu baaqay ee u dhexeeyay Beelaha Arab iyo Gar-xajis wuxuu yidhi  “Shirku wuxuu noqonayaa Shir lagaga wada-hadlayo Talo-Qaran, waana muddo 30 Cisho gudahood ah inuu ku qabsoomo shirkaasi, Shirku maaha mid (loo qabanayo beelaha) Mataanaha, wuxuu isku beddelay Shir Talo-qaran ah, Beelaha Mataanaha iyo Beelaha kaleba way ka soo qayb-geli karayaan, Waayo? Talo-Qaran baa loo baahan yahay.”

Suldaanku waxa kale oo uu ka hadlay Shirweynaha xisbiga Kulmiye, kaasi oo siyaasiyiin ka biyo-diiday qaban-qaabadiisa loo wadaa sheegeen in aanay ka qayb-geli doonin.

Suldaan Maxamed oo farriin u diraya Siyaasiyiinta sheegay in aanay ka qayb-galaynin shirka Kulmiye wuxuu yidhi  “Raggaasi waxaan leeyahay Cidna ha uga tagina, Raggiinii xisbiga Kulmiye soo dhistay inaad Cid uga tagtaan Maaha, markaa qoladan waxaan ku dardaarayaa in aanay shirka hawl yaraan uga bixin oo ay galaan shirka Kulmiye, si ujeeddadooda uu Dadku saani u fahmo.”

Suldaanka oo la waydiiyey in sababta aanay shirka uga qayb-galayn siyaasiyiinta qaarkood tahay inuu u afduuban yahay Madaxweynaha oo ah Guddoomiyaha Xisbiga “Qofkii wax afduubta waa laga ridi karaa, laakiin haddaad uga baxdo waxbuu afduubay waa khalaas oo Adigiina faa’iido ma lihid, laakiin wixii lagaa dhaco waa inaad soo dhacsataa.. ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Farriintaydu waxa weeyaan, xisbigaasi inaanu baaba’in, oo aanu u baaba’in Muuse Iyo Acyaanta kale ee la socota.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here