Israa’iil, Bahrain Iyo Imaaraadka Carabta Oo Heshiis Taariikhi Ah Gaadhay

0
313

Dawladda Israa’iil ayaa heshiis taariikhi ah la saxeexatay waddamada Carabta ee kala ah Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn.

Heshiiskan ayaa lagu saxeexay Aalka Cad ee looga taliyo Maraykanka. Heshiiskan taariikhiga ah ayaa loogu magacdaray “Arbaham Accord”.

Heshiiskan waxaa dhexdhexaadintiisa lahaa madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo ku dhowaaqay labada heshiis muddo bil ah gudaheed.

Waddamada Imaaraadka iyo Baxrayn ayaa noqonaya labadii waddan ee ugu horreeyey ee heshiis nabadeed la gaadha Israa’iil muddo tobannaan sano ah. Waxaa hore heshiis uu u dhexyaallay waddamada Israa’iil iyo Masar oo heshiis gaadhay sannadkii 1979-kii, halka waddamada Israa’iil iyo Urdun ay iyaguna heshiis gaadheen sannadkii 1994-kii.

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in shan ama lix waddan oo kale ay doonayaan inay heshiis nabadeed la gaadhaan Israa’iil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here