Muran Ka Taagan Liis Farmaajo Ku Sheegay 100-Kii Qof Ee Soomaalida Ugu Saamaynta Badnaa Lagana Reebay Dhammaanba Dadkii Magaca Ku Lahaa Somaliland!

0
293

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay soo saartay oo baraha Bulshada ku baahisay liis buuq badan ka dhex dhaliyay in badan oo Soomaali ah kuwaasi oo qaarkood ku tilmaameen bamboo la soo dhex dhigay taariikhda iyo soo jireenka mudantii Soomaaliyeed kaasi oo ay xukuumadda Farmaajo ku taxday 100 qof oo ay sheegeen in ay u qaateen dadkii ugu saamaynta badnaa Geyiga Soomaaliyeed Boqolkii sano ee ugu dambeeyey.

Tallaabadan oo muran badan ka dhalisay warbaahinta Soomaaliyana si weyn shalay illaa xalay uga faalloonayeen ayaa waxa lagu soo daray dad badan oo aan saamayn lahayn halka la sheegay in laga tagay dad badan oo Soomaalida dhexdeeda saamayn weyn ku lahaa muddodii boqolka sano ahayd ee ugu dambaysay dhexdeeda.

Liiskaasi ayaa shalay Baraha bulshada Soomaalida lagu soo daadiyay kaasi oo ahaa qoraal lagu bixiyay lacago badan oo loogu magac daray (100-ka qof ee ugu saameynta badan Soomaalidda 1920-2020).

Qaar ka mid ah warbaahinta Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Barnaamijkan ay abuureen xubno ka tirsan xukuumadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Farmaajo Xasan Cali Khayre, ayada oo aan la ogeyn ujeeddada dhabta ah ee ay la leeyihiin. Dad badan ayaa ku doodaya in Sida qorshuhu ahaa lagu heshiiyay in laga ilaaliyo qof walba oo ay maalin is qabteen Xasan Kheyre iyo Farmaajo. Lacag kumanaan dollar ah ayaana lagu bixiyay Barnaamijkan. Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle ayaa la sheegay inuu aqbalay kharashka bixinta barnaamijkan maadaama loo ballan qaaday inuu ku jiri doono liiska 100-ka ugu saameyn badnaa Soomaalida 100-kii sanno ee lasoo dhaafay.

Ilaa 50 qof oo dhallinyaro ah oo lagula heshiiyay lacago ayaa baraha bulshada ku faafinayay qoraalkan saacadihii lasoo dhaafay. Dad badan ayaa dood ka keenay liiskaan uu diyaariyay xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya. Waxaa barnaamijkaan lagu xusay dad loo arkay iney qeyb ka noqon karaan inuu faafo oo uu dad badan gaadho.

Dadka liiskan ka maqnaa waxa ka mid ah oo aan haba yaraatee lagu soo qaadan dhamaanba dadkii waaweynaa ee Magaca iyo Maamuuska ku lahaa dhinaca Somaliland maadaama ay sheegeen in uu yahay Liis Soomaali oo dhan ka dhaxeeya taasi oo in badan layaab ku noqotay halka sidoo kale laga tagay dad badan oo ay ka mid ahaayeen Jeneraal Daa’uud Cabdulle Xirsi oo ahaa taliyihii ugu horeeyay ee ciidanka xooga dalka, madaxweynihii dalkaasi Cabdullaahi Yuusuf Axmed, Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid, iyo Cabdiqaasim Salaad Xasan. Iyo kuwo kale oo badan taasi dad badan doodo ka keeneen.

Halka kuwo kale ay Iyana doonayeen in ay ka dhex arkaan balse ay ka dhex waayeen rag badan oo ay ka mid yihiin Maxmed Sheekh Cismaan Jawaari oo 2 jeer noqday guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaasi Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid oo 2 jeer isna maamulkan ra’iisul wasaare ka noqday,  Cabdiweli Gaas oo isna maamulkan ka wada noqday ra’iisul wasaaraha iyo madaxweyne Dowlad-goboleed, sidoo kalana a sheegaan in uu yahay ninkii markii uu xilka hayay uu maamulkaasi Kumeel gaadhka ka baxay. Thaabit Cabdi oo ahaa duqii ugu da’da yaraa uguna saameynta badnaa ee soomara Muqdisho, iyo shaqsiyaad kale.

Madaxda mucaaradka ee sida weyn dowladda Farmaajo uga soo hor jeeda ayaa sidoo kale inta badan laga tagay marka laga reebo Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo maamulkaasi Muqdisho fadhiya madaxweynayaal ka soo noqday. Liiskan ayaa durba la kulmay ceebeyn iyo naqdin xoog leh waxaana la filayaa in loo qabto xaflad la doonayo in lagu soo ban dhigo oo ay Madaxda maamulkaasi ka soo qayb galaan balse aan la ogayn wakhtigiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here