Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Khilaafka Saylici Iyo Saajin

0
332

Wararkii ugu dambeeyay Khilaafka ka aloosan Kulmiye ayaa sheegaya in hadda ay arintu iskugu soo biyo shubatay Booska Kursiga Ku xigeenka 4-Aad ee Kulmiye ee uu hadda ku fadhiyo Saylici kaasi oo Muran xoogleh iyo hirdan Culusi ku dhex marayo Madaxweyne Xigeen Saylici iyo Wasiirka Ganacsiga Maxamud Xasan Sacad Saajin.

Wararka ayaa sheegaya in Ergo uu ka mid yahay Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed kaahin Axmed ay isku dayeen inay Madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Saylici ku qanciyaan inuu ogolaado tartan iyo inuu go’aan la sheegay inuu qaato ka noqdo ayaa sheeegaya in Wasiiradaasi ku hungoobeen islamarkaana uu Saylici ka diiday in Kursigiisa oo qudha lagu tartamo, waxaanay arintii noqotay inuu shalay afka furto Wasiir Saajin wax bandanna daaha ka rogo iyo in khilaafkii isaga iyo Saylici u dhexeeyay loo taag waayay, islamarkaana uu Saylici taagan yahay inaan lagula tartami Karin Kursigaasi haddii kale aanu shirkaba ka qayb galayn.

Wasiir Saajin Oo Warbaahinta la hadlay ayaa uu yidhi  “Nolosha Dimuqraadiyadu waa tartan, Tartankana nin diyaar u ah ayaan ahay, lakiin Madaxweyne ku xigeenka oo joogay Dhawr iyo toban sanno hogaanka Xisbiga, oo aan filayay inaanu isagu kaba mid ahayn tartanka, aanan u haysto inuu soo dhamaystay, kuna biiro raggii ka horeeyay ee Xasan Ciise ka mid yahay, Cabdiraxmaan Awcali ka mid yahay, Axmed Yuusuf Yaasiin ka mid yahay, oo uu dee noloshiisa kale uu iska galo, ayaa waxay noqotay, Meesha anaa leh, Cidiba iskama kay agsharaxi karto, waxaanay igu noqotay wax cajiib ah”.

Waxa kale oo uu yidhi “Cabdiraxmaan, ololihii 2017-kii, si fiicanbaan ugala qayb galay, waxaan filayay oo kolka hore isaga Gaar ahaan ka filayay haddii dabcan aan ula imaado, ninkii dhisi lahaa, Xaqiiqdii arintaasi way ila adkaatay, wuxuu galiyay nooc kale oo tartan ah, qofka bini aadamka ahi isaga ayaa damac leh, damac lagu abuuraa majiro. Markii halkaas Gudididii qaban qaabadu ay shuruudihii loo baahnaa soo dejisay, dee maaha daw inaan qof ku idhaahdo, maan is sharaxaa mise isma sharaxo”.

Sidoo kale waxa uu yidhi “Markiiba waxaan arkay Olole qaloocis ah, oo gaadhay heer la yidhaahdo markii u horaysay, Gadabuursiyaw kusoo kala baxa, dee wax siyaasad ah oo noocan ah in gadabuursi ku kala baxo illayn geel lama kala qaadin eh, mabay ahayn,calaa kuli xaal, waxaanu isku nimid, waxaanu soo istaagay Xisbigan la igulama tartami karo, dee haddii ay anigaa leh tahay inuu cid soo abaabulo ayay ahayd, oo uu soo dhiso, oo uu isagu u gartay, laakiin wada hadalnay, natiijaddii waxay ku dhamaatay wada hadalnay, ana damac ayaan leeyahay oo waan iska hor sharaxay, la igasoo daba gal, oo diyaar ayaan u ahay haddii la ila tartamayo, laakiin ilama tartami kartid ima qabato”.

Dhinaca kale waxa uu yidhi “Arinta in la foolxumeeyo maaha, isagana Isku deegaan ayaan kasoo wada jeednaa, Awdal, kaayagii meesha yimaadaaba Awdal uunbuu kasoo jeedaa, inkasta oo ninka madaxweyne ku xigeenku meesha u tagayo inuu Somaliland ku matalo, waayo Madaxweyne ku xigeen Somaliland oo dhan ayuu u yahay, dadka qaar ayaa u akhrisanaya in haddii uu murankani sii socdo in Gobolkii dhibaato u keenayso, Gobolkiibay Amni-daro ku abuuraysaa, waa waxba kama jiraan warkaasi, cid dhibaato ka dhigaysa anigu ma fahmayo”.

Isagoo fariin u diray Saylici ayaa waxa uu yidhi “Saylici, shirkii Burco isagoo Cabdiraxmaan Awcali Gudoomiey ku xigeen ka ah ayuu damac yeeshay Saylici, kulama yaabayo, Cabdiraxmaan oo markaa sumcadiis aad u sarayso , ayaa sababo markaa jiray ayuu meeshii yimid, dee lama odhan Cabdiraxmaanaw adigu kusii fadhi hogaanka, Saylicina lama odhan adigu Madaxweyne Ku xigeen ayaan kuu sharaxi doonaa, waa wax isku mid ah, sidii ayuu ku qaaday,  rabshadani ma dhicin, Buuqa imika laga sheekaynayana ma fahmaho anigu”.

Waxa kale oo uu yidhi “Xisbiga Kulmiye intii UDUB ka dambaysay waan kujiray, anigoo Xisbiga kujira, muddo dheer intii UDUB baabayba, ayaa waxaa dhacday, Madaxweynaha hadda Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamuud Xaashi, rag badan ayaa noogu yimid Abu-Dabai, Dalab ayaa la iga dalbaday inaan Olole sameeyo, oo reerkayaga ka dhex sameeyo markaa, maalintaasi kaambaynka la iga dalbaday rag badan iima oga, nin aan xisbiga kujirina Kaambayn lagama dalbadeen, taasi waa taas, ta kale, madaxweynaha Ogolaanshiyo kamaan qaadan, inaan is sharaxo,xaq ayaan u leeyahay, nin kastana xaq ayuu u leeyahay, laakiin in porobagaanda laga dhigto ayay u ekaatay,madaxweynuhu, Samaroonaw ku soo heshiiya ayuu yidhi”.

Dhinaca kale wararka Wargeyska Foore helayo ayaa sheegaya in Hadalkan Saajin Daba socdo kadib markii uu Saylici diiday inuu tartan lagalo Wasiirkan isagoo sheegay inaanu noqonayn Madaxweyne Wasiirkiisa la tartama, taasina uu badelkeeda ka dhiganayo inaanu gabi ahaanba Shir weynaha Kulmiye iman oo uu ka maqnaan doono haddaan laga reebin Saajin, iyadoo dhinaca kale la sheegayo inuu Maalmaha soo socda dalka dibadda uga baxayo si uu uga muquurto tagis shirka Kulmiye ee qabsoomayo bilawga bishan fooda inagu soo haysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here