Khilaaf Ka Dhex Qarxay Qoyska Boqortooyada Sacuudiga

0
283

Muran ayaa ka socda gudaha qasriga looga taliyo dalka Sacuudi Carabiya, waxaa su’aal la iska weydiinayaa haddii la macaamilka Israa’iil ay u fiican tahay iyadoo Imaaraadka iyo Baxreyn ay si cad ugu dhawaaqeen xidhiidhka diblomaasiyadeed ee Israa’iil.

Illo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa wargeyska The Wall Street Journal u sheegay in Boqor Salmaan Bin Cabducasiis uu ku khilaafay wiilkiisa dhaxal sugaha ah ee Mohamed Bin Salmaan in gacan loo taago Yahuudda, waxaana la ogyahay taageerada uu u hayay go’aankii ay hore carabta uga gaadhay Israa’iil iyo in la helo dowlad madax banaan oo ay leeyahiin dadka reer Falastiin.

Boqor Salmaan wuxuu u muuqdaa mid u jiheysan inuu ku mowqif la noqdo Iran oo aan marnaba taageersaneyn sida ay Mareykanka heshiis uga dhex abuurtay dowladaha Carbeed iyo Israa’iil.

Waxaa kaloo la fahamsan yahay in boqorka uu aad uga naxay xidhiidhkii diblomaasiyadeed ee mareykanka uu ku dhawaaqay 13-kii August kaas oo dhexmaray Israa’iil iyo Imaaraadka, waa marka ay ku dhalatay inuu u dhaqaaqo inuu la jaanqaado la taliyayaashiisa iyo sidoo kale dadka ka hadla arrimaha Sacuudiga, taas badalkeeda dhaxal sugaha aad ugama nixin galaangalka Israa’iil ee dalalka Carabta.

Dhanka kale, dhaxalsuge Mohamed Bin Salmaan wuxuu dareemayaa cabsi ku aadan in aabbahiis uu laalo heshiis aan dan ugu jirin in lagu yagleelo qaranimo ay Falastiin sameyso, waa sida dadka badi hadal hayaan.

Mohamed Bin Salmaan wuxuu si ulakac ah u saxeexay heshiis aan ku cadeyn doorka dadka reer Falastiin mana aanu ogeysiin aabbahii.

Israa’iil waxey ogolaatay iney hoos u dhigto dul-ballaadhsiga ay ku heyso Falastiin si ay dib ugu soo celiso xidhiidhkii ka dhaxeeyay Imaaraadka, waana qeyb ka mid ah heshiiska uu mareykanka gadh-wadeenka ka ahaa.

Boqor Salmaan isagoo cadheysan ayuu wasiirkiisa arrimaha dibadda amray in la caddeeyo xukunka dib u aas-aasidda Falastiin, isagoo aan soo hadal qaadin heshiiska caadiga ah.

Xubin ka tirsan qoyska Boqortooyada Sacuudiga ayaa u sheegay wargeys laga leeyahay gudaha Sacuudiga in arrintaan ay Imaaraadka Carabta ku cadaadin karto iney Israa’iil ku cadaadiyaan heshiisyo dheeraad ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here