Putin Oo Siiyey Billaddii Ugu Qaalisanayd Ninkii Curiyey Gantallada Guuxooda Ka Dheereeya

0
317

Madaxwaynaha Vladimir Putin ayaa gudoonsiiyay abaalmarinta ugu sareysa dalkaasi ninka lagu magacaabo Herbert Efremov, oo ahaa ninkii ikhtiraacay ama sameeyay gantaalada casriga ee guuxooda ka dheereeya ee loo yaqaano hypersonic .

Madaxwaynaha ayaa gantaaladan ku tilmaamay kuwa Ruushka siiyay sareeyn dhanka hubka ah markii ugu horeysay taariikhda.

Shir dhanka muuqaalka ah ayuu Mr Putin, waxaa uu Mr Efremov la barbar dhigay khubaradii Ruushka ee xilligii Soofiyeedka sameeyay barnaamijka hubka Niyukleerka.

Madaxwaynaha Ruushka Putin

 

Waxaa uu madaxwaynaha Ruushka Vladimir Putin sidoo kale xusay in Ruushka muudo toboneeyo sano ah door muhiim ah ay ka ciyaarayeen dhanka awodda militariga.

Balse waxa uu sheegay in sameyntii uu iyo soo saaridii gantaalada guuxooda ka dheereeya ay yihiin kuwa xawli dheereeya, awood badan islamarkana aysan suuragal ahayn in la soo rido.

Gantaalada guuxood ka dheereeya ee hypersonic
Madaxwaynaha dalka Ruushka ayaa farta ku fiiqay in markii sanaddii 2002 uu madaxwaynihii hore ee Mareykanka George W. Bush’ ka baxay heshiiskii ka hortaga gantaalada riddada dheere ay Ruuska ku qasbanaadeen inay hormariyaan gantaalada guuxooda ka dheereeya ee hypersonic.

Gantaalada Ruushka ee guuxooda ka dheereeye ayuu sheegay madaxwayne Putin inay yihiin kuwa 27 jeer guuxooda ka dheereeya.

Sida ay Ruushka sheegeen waxay gantaaladan awoodaan in ay gaaraan 100 kiilo mitir.

Waxaa gantaaladan uu markii ugu horeysay madaxwayne Putin xarigga ka jaray 1 March sanaddii 2018.

Gantaaladan guuuxooda ka dheereeya ayaa waxaa ay sidoo kale awood u leeyihiin inay xambaaraan madaxyada Niyukleerka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here