Halkee Ayay Mareysaa Xiisaddii U Dhaxeysay Masar Iyo Turkiga?

0
285

Wargeysada Carabta gaar ahaan kuwa dalka Masar iyo wargeysada Turkiga ayaa wax ka qoray isu soo dhawaanshiyo ay suuragal tahay inay isu soo dhawaadaan xukuumadaha Qaahira iyo Ankara.

Arrintan ayaa timid ka dib markii madaxwaynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, uu sheegay in wadaxaajood dhexmara Masar iyo Turkiga “ay suuragal tahay.”

Bayaan uu labo maalin ka hor soo saaray Erdogan islamarkana uu kaga hadlayay xiisadda u dhaxeysa Turkiga iyo Giriiga ayuu carabka ku dhuftay wadahadalo ay suuragal tahay in Masar ay la yeeshaan.

“In wadahadalo maangal ah aan la yeelano Masar waa suuragal, mana jiro cid taasi horistaagaysa, balse heshiiskii ay Giriiga la galeen ayaa ahaa mid na murjiyay.”ayuu yiri Mr Erdogan.

Hasa yeeshee wasiiradda arrimaha dibadda ee Masar ayaa shaki ka muujisay soo jeedinta Turkiga , waxaana bayaanka Masar lagu sheegay in qaabka ay ” Turkiga arrinta u wajahayaan ay tahay mid aan lagu kalsoonaan karin.”

Muddooyiinkii u dambeeyay waxaa sii kordhaysay xiisadda u dhaxeeysa Turkiga iyo Masar taasi oo ku aadan dhowr arimood oo ay isku hayaan.

Waxaa ka mdi ah arrimaha ay isku hayaan midda dagaalka Liibiya iyo waliba Gaaska ay Turkiga sheegeen inay ka baarayaan badda Mediterranean-ka.

Wargeyska Sharqul Awsad ayaa qoray in Masar ay xaqiijisay inay ka heleen Turkiga baaq ku aadan in wadiiqooyiinka xiriirka la furo si xiriirka labada dhinac loo wanaajiyo.

Imad al-Din Adeeb oo isna wax ku qora wargeyska ka soo baxa dalak Masar ee “Al-Wadan” ayaa qoray ” ma aaminaynaa fariinta tooska ah iyo midda qarsoon ee Turkiga ee ku aadan inay la heshiiyaan Masar? “

Wargeyska, Al-Zaman, ee ka soo baxa dalka Turkiga islamarkana afka Carbiga wax ku qora, ayaa daabacay bayaanka Erdogan islamarkana waxaa uu wargeyska sheegay in madaxwaynuhu muujiyay”in uu badalay mowqifkiisii hore ee ku aadanaa Masar.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here