Ergo Ka Kala Socota Madaxweyne Ku-Xigeenka Iyo Wasiirka Ganacsiga Oo Ay Wada-Hadallo Uga Bilaabmeen Hargeysa.

0
375

Ergo ka kooban 20 xubnood oo kala socda Madaxweyne ku-xigeenka JSL Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Wasiirka Ganacsiga JSL Maxamed Xasan Sacad (Saajin) ayay Shalay kulamo uga bilaabmeen Magaalada Hargeysa.Sida ay Warar Xog-ogaal ahi u sheegeen Wargeyska Geeska Afrika Ergadan oo ka kooban 20 xubnood oo kala kala ah Madaxweyne ku-xigeenka iyo Wasiirka Ganacsiga, ayaa shalay kulankoodii koowaad ku yeeshay Magaalada Hargeysa, waxaanay ka wada-hadlayaan sidii la isugu soo dhaweyn lahaa aragtiyaha kala fog ee Madaxweyne ku-xigeenka iyo Wasiirka Ganacsiga ee salka ku haya Tartanka kursiga 4-aad ee Hoggaanka xisbiga Kulmiye, waxaanu kulankooda Shalay ahaa Qado iyo fadhi.Ma jiro, weli war rasmi ah oo ay soo saareen Ergadani oo dhammaantood ka soo jeeda Gobolka Awdal, isla-markaana ay soo xuleen Madaxweyne ku-xigeenka iyo Wasiirka Ganacsiga oo mid walba soo Magacaabay 10 Xubnood oo isugu jiro 4 Aqoonyahan iyo 6 Madax-dhaqameed, waxaana suurto-gal inay Isfahan ka gaadhaan Tartanka kala irdheeyey Madaxweyne ku-xigeenka iyo Wasiirka Ganacsiga Somaliland.Warar kale ayaa iyaguna sheegaya in haddii Ergadani ku guul-daraystaan inay isfaham dhex dhigaan Madaxweyne ku-xigeenka iyo Wasiirka Ganacsiga ay arrintan la wareegi doonaan Hoggaanka Xisbiga Kulmiye oo Go’aan kama dambays ah ka soo saari doona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here