Haweeney Loo Qabtey Warqad Sumeysan Oo La Doonayay In Lagu Dilo Madaxweyne Trump

0
483

Hal qof ayaa loo qabtey kaas oo la aaminsan yahay in uu warqad sunta dilaaga ah ee Ricin u direy Madaxweynaha Maraykanka Donalad Trump, sidaas waxaa sheegay Booliska Federaalka ee Baadhitaanada Dembiyada (FBI)

Qofka ka dambeeyey warqadda sumysan ayaa lagu sheegay inay ahay haweeney u dhalatay dalka Kanada, sida ay qortey wakaalada wrarka ee Reuters.

Baakada wadatey sunta ayaa lagu qabtey barta kontoroolka boosatada ee Aqalka Cad, mana gaadhin Madaxweyne Trump.

Qofka ku eedeysan dembigan ayaa lagu qabtay xadka Mareykanka iyo Kanada ee magaalada Buffalo, New York, sida uu u sheegay AFP sarkaal ka tirsan booliska xuduudaha. Sida laga soo xigtay warbaahinta Mareykanka, eedaysanaha ayaa haystey baastoolad xilliga la qabanaayey.

Xilli hore, laba kiis oo kala duwan, ayaa laba qof loogu xukumay xabsi ka dib markii ay u direen Madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama waraaqo sunta ricin-ku la soo geliyey .

Sunta Ricin waxaa laga helaa abuurka geedka ay isku magaca yihiin ee Racin waana mid ka mid ah walxaha ugu sunta badan adduunka. Ricin-ka sunta ah wuxuu sababi karaa matag, dhiig bax gudaha ah, neefsashada oo dhib ku noqon karta una horseedi karta dhimasho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here