Trump Oo Ilhaan Cumar Ku Yidhi Waa Sidee Dalkii Aad Ka Timid?’ Iyo Jawaabtii Ilhaan

0
240

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale xalay weerar ku qaaday Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka, isaga oo adeegsanaya dhibaatada iyo dagaallada Soomaaliya.

“Waxay noo sheegeysaa sida loo maamulo dalkeena. Maxaad ka sameysay dalkii aad ka timid. Waa side dalkaaga iminka. Waxay noo sheegeysa sida loo maamulo dalkeena,” ayey tiri.

Trump ayaa sheegay in doorashada soo socota uu ku guuleysan doono gobolka Minnesota ee laga soo doorto Ilhaan, sababtuna ay tahay Ilhaan, oo sida uu sheegay gobolka laga nacay.

Waa weerarkii labaad ee toddobaad gudihiis uu Trump ku qaado Ilhaan. Dhowr maalmood ka hor ayuu Trump ugu yeeray Ilhaan “inay tahay xagjir” dooneysa inay dalka Mareykanka keento qaxooti Soomaali iyo Yemeni ah.

Trump ayaa dhanka kale ku faanay inuu Soomaaliya u celiyey “boqol dambniileyaaal ah”, isaga oo yiri “waxay ku laabteen dalkooda, oo wixii ay doonaan oo cabasho ah ay ka sameyn karaan.”

Ilhaan Cumar ayaa ka jawaabtay weerarka cusub ee xalay uga yimid Trump.

“Marka koowaad, kani waa dalkeyga, waxaana ka mid ah Aqalka Wakiilada ee adiga kugu qaaday dacwaddii xil ka xayuubinta,” ayey tiri Ilhaan Cumar oo qoraal soo dhigtay barta twitter-ka.

“Marka labaad, waxaan kasoo qaxay dagaal sokeeye, aniga oo 8 sano jir ah. 8 sano jir ma maamulo waddan inkasta oo adiga aad dalkeena u maamusho sidaas oo kale.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here