Sharciga Cusub Ee Qaxootiga Imaanaya Yurub Oo La Soo Bandhigay

0
276

Ujeedada ugu weyn ee siyaasadda sharciga cusub ee Midowga Yurub ee soogalootiga lagula dhaqmaayo ayaa ah, in hoos loo dhigo dadka soo gelaya EU-da halka kor loo qaadayo dadka dib loogu celinaayo dalkoodi.

Wakiilka arrimaha socdaalka ee Midowga Yurub Ylva Johansson oo ka mid ah dadka sida weyn ugu hawlan soo jeedinta sharciga cusub ayaa sheegtay in Midowga Yurub uu sii wadi doono qaabilaada muhaajiriinta, laakiin dib loo cusbeyneysiinayo sharciga Socdaalka.

Waxaan in badan diiradda saari doonaa dib u celinta dadka magangelyo doonka ah ayey tidhi Ylva Johansson iyada oo hadalkeeda sii wadata ayaa sheegtay in Midowga Yurub ay taageero xooggan u hayaan qaabilaada dadka magangeliyo doonka ah, laakiin ay welwel ka qabaan sidii loo kala saari lahaa kuwa xaqa u leh in ay helaan magangelyo iyo kuwa aan muteysan in ay sii joogaan Midowga Yurub.

Sharciga cusub ayaa dhigaya in kala shaandheynta magangelyo doonku ay goor hore ka dhaci doonto xuduudka ugu horeeya ee ay ka soo galeen, taas oo aan ka badneyn muddo shan maalmood ah, waxaana meesha laga saarayaa xeryihii qaxootiga ee mudada sannada ah la fadhiyi jirey sidey sheegtey Ylva Johhanson.

Si aan ugu guuleysano barnaamijka dib u celinta, waxaan diiradda saari doonaa wax badan xidhiidhka aan la leenahay dalalka ay ka yimaadeen qaxootigu waa inaan ka helno heshiisyo wanaagsan oo dhanka dib u celinta

Sharciga cusub ayaa dhigaya in qaxootiga ka imaanaya dalalka aan ku jirin kuwa magangelyada la siiyo lagu qaadi doono sharciga xuduudaha oo degdeg dib loogu celinaayo dalkoodi, kiiskoodana aan la fureyn.

Ylva Johhanson ayaa sheegtey si aysan u dhicin diidmo aan laga fiirsan in ay dhisayaan hannaan lagu keydiyo xogta kaas oo loogu yeero EURODAC

EURODAC ayaa lagu keydinayaa xogta qofkasta oo yimaada xuduudka Midowga Yurub.

Sannadkii la soo dhaafay 2019, qiyaastii 140,000 oo loogu yeedho muhaajiriinta aan caadiga ahayn ayaa yimid Midowga Yurub. Sannadkan 2020, tirada ayaa la filayaa inuu ka yadhaado taas oo ay sababtay Korona Fayrsas.

Heshiiskii Dublin waxaa lagu badalay qaab cusub

Komishanku wuxuu kaloo soo jeedinayaa in lala noqdo waxa loogu yeero heshiiskii Dublin kaas oo dhigaayey in magangelyo doonku uu ku sugnaado dalka ugu horeeya ee Midowga Yurub uu ka soo galay, oo weydiisto oggolaansha.

Ylva Johansson ayaa sheegtey in shalay ay jira fursado aad u ballaadhan oo lagu dhex lumi karo nidaamka heshiiska Dublin oo laga soo muuqan karo waddan kale oo magangelyo laga dalbado.

Dabkii dhawaan ka kacay xerada qaxootiga ee Moria oo ku taalla jasiirada lesbos ee dalka Giriiga, ayaa sababay in Madaxa Gudiga Yurub Ursula von der Leyen ay meesha ka saarto heshiiskii Dublin 1997, waxaana hadda EU.da u yaala sidii ay u qaybsan lahaayeen 12 kun oo qaxooti ah oo ku sugan Giriiga.

Sharciga cusub ee la soo bandhigey ayaa u baahan taageerada 27 dal ee ku jira Midowga Yurub, waxaana jira dalal dhawr ah oo ka soo horjeeda sharcigan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here