Dahab Intee La Eg Ayaa Dunida Ku Hadhay Oo lasoo Qodan Karaa?

0
409
Bishii lasoo dhaafay, qiimaha lagu kala iibsado dahabka ayaa gaadhay heerkii ugu sarreeyay, 30-kii garaam ayaana kor u dhaafay $2,000 (£1,575).
Maadaama qiimahan ay sare u kiciyeen dadka ka ganacsada dahabka, waxaa soo baxay su’aalo la iska weydiinayo inta uu la egyahay dahabka laga heli karo caalamka iyo goorta laga yaabo inuu gabi ahaanba dhammaado.
Waxaa hubaal ah in qof kasta uu doonayo dahab, dhaqaale badanna laga sameeyo marka laga sii ganacsado.
Laakiin waxaa iyana xaqiiqo ah in kheyraadkan uu leeyahay meel uu ku dhammaado, lana gaadhi doono mar aan duni oo dhan lagu arki doonin.

Heerka ugu sarreeya ee dahabka

Khubaradu waxay ka hadlayaan mowduuc ku saabsan heerka ugu sarreeya dahabka – oo ah marka aan dunida ka qodanno dahabkii ugu badnaa hal sano gudaheed. Qaarkood waxay aaminsan yihiin in heerkaas horayba loo gaadhay.
Wax soo saarka dahabka lasoo qodo wuxuu sanadkii lasoo dhaafay ee 2019-kii gaadhay 3,531 tan, taasoo 1% ka hooseysay tirada dahabkii lasoo saaray sanadkii 2018-kii, sida uu shaaciyay Golaha Dahabka ee Adduunka.
Hoos u dhacaas wuxuu ahaa kii ugu horreeyay ee la arkay tan iyo sanadkii 2008-dii.
“Iyadoo laga yaabo in wax soo saarka kheyraadka dabiiciga ah ee dahabka uu hoos u dhaco sannadaha soo socda, maadaama godadka hadda laga soo qodo aad looga dhammeeyay, god cusub oo weyn in la helana ay dhif sii noqoneyso, taaso waxay muujineysaa in mar kale aan la arki karin wax soo saarka dahabka oo heerkii ugu sarreeyay gaadhay,” ayuu yidhi Hannah Brandstaetter, oo ah afhayeen u hadlay Golaha Dahabka Adduunka.
Xitaa marka la arko wax soo saarkii ugu badnaa, khubaradu waxay sheegayaan in sannadaha kusii xiga aan la arkeynin hoos u dhac saameyn badan leh. Taas baddalkeeda, waxaa suuragal ah in hoos u dhacaas si tartiib tartiib ah loo arko muddo tobannaan sano gudahood ah.
“Wax soo saarka dahabka aad buu isu dhimay, waxayna u badan tahay inuu hoos uun sii aado, laakiin ma aha si kheyrul caadi ah,” ayuu sii raaciyay Ross Norman oo ka tirsan warbaahinta MetalsDaily.com.
Gold mining production has "flat-lined"

Imisa ayaa ku hadhay aaduunka?

Shirkadaha macdanta qoda waxay heerka dahabka ku haray caalamka ku qiyaasadeen labo hab:
Keyd – dahab ganacsi ahaan loo qoo qodanayo oo lagu kala iibsanayo qiimaha maanta taagan.
Hanti – Dahab ganacsi ahaan suuqa loo soo galin doono marka lagu sameeyo baadhitaan, ama qiime kan hadda jira mid ka sarreeya lagu kala iibsan karo.
Sida lagu sheegay daraasad ay sameysay Shirkad laga leeyahay Mareykanka, dahabka keydka ah ee hadda dunida ku aasan qiyaastiisu waa 50,000 oo tan.
Horay waxaa loo soo qoday ku dhawaad 190,000 oo tan oo dahab ah, inkastoo tirooyinka qaar ay kala duwan yihiin qiyaastooda.
Haddii halkaas laga tix raacayo, waxaa la aaminsan yahay in dhulka laga heli karo 20% ka mid ah keydkaas oo wali la qodan karo. Laakiin bartilmaameedkaas mar walba wuu isbaddali karaa.
Tiknoolojiyadda cusub ayaa suuragalin karta in dahabka keydka ah qaarkiis lasoo saaro oo durba laga dhigo mid ganacsi gali kara.
Way sii adkaaneysaa soo qodista dahabka

 

Meelaha ay ku jiraan kheyraadka ugu badan
Goobta ugu weyn ee kheyraadka dahabka uu ku jiro inta laga ogyahay taariikhda soo jireenka ah waa godka Witwatersrand, oo ku yaalla waddanka Koonfur Afrika.
Witwatersrand waxaa laga heli karaa ilaa 30% ka mid ah dhammaan dahabkii dunida horay looga qotay.
Meelaha kale ee dahabka ugu badan caalamka uu ku jiro waxaa ka mid ah god aad u qota dheer oo ku yaalla isla waddanka Koonfur Afrika – kaasoo lagu magacaabo Mponeng, godadka la kala yidhaahdo Super Pit iyo Newmont Boddington, oo ku yaalla waddanka Australia, Grasberg oo ay leedahay Indonesia iyo godad ku yaalla gobolka Nevada ee dalka Mareykanka.
Shiinaha ayaa hadda ah waddanka dahabka ugu badan ka qoda caalamka, halka Canada, Ruushka iyo Peru ay yihiin soo saareyaasha dahabka ee ugu waaweyn dunida.
Xilligan oo ay aad dhif u tahay in la helo godad cusub oo dahab ah, waxaa lagu tiirsan yahay godadkii dahabka laga soo qodi jiray tobannaankii sano ee lasoo dhaafay.
Dahab ayaa ku jira dayaxa

 

Goobaha aan la fileynin in dahab laga soo saaro

Dahabka ku keydsan dhulka waa mid aad u qiimo badan, laakiin dhulka oo kaliya ma aha meelaha dabiiciga ah ee dahabka faraha badan uu ku jiro. Waxaa la sheegay in xitaa dayaxa uu ku jiro dahab.
Hase yeeshee qiimaha ku kacaya in dayaxa laga soo qaado dahab oo dhulka loo soo safriyo ayaa aad uga badanaya qiimaha kasoo bixi kara dahabkaas dayaxa ku jira.

Tobanka dal ee heysta keydka ugu badan ee dahabka diyaarsan

.

 

1. Mareykanka: oo heysta keystaa keyd dahab oo dhan 8,133.5 tan.
2. Jarmalka: oo heysta keyd dahab oo dhan 3,363.6 tan.
3. Talyaaniga: oo heysta keyd dahab oo dhan 2,451.8 tan.
4. Faransiiska: oo heysta keyd dahab oo dhan 2,436 tan.
5. Ruushka: oo heysta keyd dahab oo dhan 2,299.2 tan.
6. Shiinaha: oo heysta keyd dahab oo dhan 1,948.3 tan.
7. Switzerland: oo heysta keyd dahab oo dhan 1,040 tan.
8. Japan: oo heysta keyd dahab oo dhan 765.2 tan.
9. Hindiya: oo heysta keyd dahab oo dhan 654.9 tan.
10. Netherlands: oo heysta keyd dahab oo dhan 612.5 tan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here