Boqorka Malaysia Oo La Dhigay Cisbitaalka Xilli Ay Jirto Xiisad Siyaasadeed Ka Jirto Dalkaasi.

0
267

Xafiiska Boqortooyada Malaysia ayaa Jimcihii shalay shaaciyay in Boqor Sultan Abdullah cisbitaalka la dhigay, xilli xiisad siyaasadeed ka dhex jirto Baarlamaanka dalkaasi.

Hoggaamiyaha Isbaheysiga Mucaaridka Anwar Ibrahim ayaa sheegay in uu hadda heysto codka inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka in xilka laga xayuubiyo Raysal wasaaraha hadda xilka haya Muhyiddin Yassin.

Xisbiga Muhyiddin Yassin oo tiro yar ku heysta Aqlabiyada Baarlamaanka ayaa la sheegay in xisbigiisa isaga baxeen tiro xildhibaanno ah oo ku biiray mucaaridka. Balse Yassin ayaa diidan inuu xilka isaga dego.

Hoggaamiyaha Mucaaridka Anwar Ibrahim ayaa olole ugu jira in Boqor dalkaasi uu fursad u siiyo inuu isagu soo dhiso xukuumad cusub, hase yeeshee Boqorka ayaa la sheegay inuu xiligan ku jiro cisbitaal oo aanu cidna qaabileyn.

Xiisada ka dhex taagan xisbiyadda dalkaasi Malaysia ayaa imaaneysa 7 bilood kadib markii uu xilka qabtay Raysal wasaaraha Muhyiddin Yassin xili uu hoos u dhac weyn ku yimid dhaqaalaha dalkaasi.

Boqorka Malaysia ayaan inta badan soo dhexgelin siyaasada, balse wuxuu awood u siinayaa dastuurka dalkaasi inuu isagu magacaabo Raysal wasaaraha uu isleeyahay wuu soo dhisi karaa xukuumad heysata kalsoonida Baarlamaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here