FARMAAJO Oo Markii Ugu Horreysay Qirtay Inay Dowladdiisa Ka Gaabisay Wadahadallada Somaliland Kadib Markii Ay Baaqdeen Kulamadii Lagu Ballansanaa Dalka Jabuuti.

0
310

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horreysay qirtay inay dowladdiisa ka gaabisay wadahadallada Somaliland kadib markii ay baaqdeen kulamadii lagu ballansanaa dalka Jabuuti.

Tan iyo intii uu madaxweyne Farmaajo xilka hayay, Soomaaliya iyo Somaliland ayaa halmar sannadkaan badhtamihiisa ku kulmay dalka Jabuuti.

“Waxaan qiranayaa in aan ka gaabinay wadahadalada Somaliland,” ayuu yidhi madaxweyne Farmaajo oo hadalkaan ka yidhi kulan su’aalo lagu weydiinayay oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Muqdisho 

Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku sababeeyay arrintaan, in dowladdiisu ay gashay marxalad doorasho iyo buuq siyaasadeed oo ku kalifay inay hoos u dhigto wada xaajoodka Somaliland inta laga baxayo geeddi socodka doorashada.

“Way iga go’an tahay inaan daacad ka ahaado wadahadalka Somaliland, ma ahan wax doorasho lagu gali karo. Waa masiir Soomaaliyeed,” ayuu yidhi madaxweyne Farmaajo oo sheegay in wada hadaladu ay sii socon doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here