Magaaladii Ugu Sharta Badneyd Adduunka Ee Hal Subax Ay Musiibo Ku Dhacday

0
441

Ma jiro qof ku fikiraya in xaafadda Port Royal ee dalka Jamaica, oo ah ah meel xasiloon oo laga kalluumeysto, ay mar ahaan jirtay goob caan ka ah dunida inteeda kale, ilaa heer dadka qaar ay ku tilmaameen inay ahayd “magaaladii ugu sharta badneyd adduunka”.

Ugu dambeyn waxaa liqay biyaha badda, taariikhdeedana isbaddal abid ah ayaa ku yimid.

20-kii bishii January ee lasoo dhaafay, shacabka Jamaica waxay arkeen arrin aysan u maleyneynin inay goob joog u noqon doonaan waligood.

Markii ugu horreysay muddo 40 sano ah, waxaa dekedda taariikhiga ah ee Port Royal – oo ku taalla caasimadda waddankaas – kusoo xirtay markab dalxiiseyaal wada.

Waxaa halkaas laga dhisay goob ay kusoo dagi karaan ilaa 2,000 oo ruux oo la socotay markabkaas lagu magacaabayay Marella Discovery 2.

.

Dhacdadaas waxay shaki la’aan farxad galisay guud ahaan dadka reer Jamaica. Booqashada dalxiiseyaasha waxay bog cusub u furtay taariikhda dekeddaas.

Waxay Prt Royal leedahay sheeko ay wada yaqaanaan dadka u dhashay waddankaas iyo kuwo kale oo ka baxsan xuduudahooda.

Goobtan oo hadda si nabad ah looga kalluumeysto waxay soo martay dhacdo xanuun badan iyo waayo lama illoobaan ah oo kasii horreeyay.

Markii ay gumeysteyaashii Ingiriiska goobtaas ka qabsadeen ciidamadii Spain ee maamuli jiray 150-ka sano, waxay noqotay meel muhiim ah.

Maadaama aysan xilligaas dad badan ku nooleyn aaggaas, maamulkii Ingiriiska waxay ku khasbanaadeen inay garab weydiistaan kooxo burcad badeed ah oo ka qowleysan jiray xeebaha. Ujeeddada ay isu baheysanayeen waxay ahayd inay ka difaacaan cadow kasta oo bannaanka uga imaada.

Islamarkii ay midoobeen Ingiriiska iyo kooxihii burcad badeenna, waxaa isbaddalay nidaamkii magaalada, waxayna noqotay meel aan la xakameyn karin.

Inkastoo ganacsigeeda uu heer sare gaaray, haddana waxaa kusoo batay ficillada xun xun, sida isticmaalka daroogada iyo galmada xad dhaafka ah.

Sidoo kale waxay soo jiidatay dalxiiseyaal uga imaanayay meelo kala duwan.

 

.

Waqti kooban gudihiis waxaa magaalada looga dhisay hoteello lagu cabo khamriga iyo goobo lagu ciyaaro. Dadka taariikhyahannada ah waxay sheegaan inay tiro ahaan isla ekaayeen goobaha lagu dalxiiso, kuwa maandooriyaha lagu iibiyo iyo kaniisadaha.

Peter Gordon, oo ah khabiir ku xeel dheer taariikda oo daggan meel u dhow xeebtan, ayaa yidhi: “Burcad badeeddaas waxay xor u ahaayeen inay sameeyaan wax kasta oo maskaxdooda kusoo dhaca, maadaama loo aqoonsanaa inay ahaayeen ciidanka ilaaliya Jamaica. Maamulka waddanka ka jiray waddo kale uma furneyn, oo aan ka ahayn inay faraha ka qaadaan.”

Gordon wuxuu intaas ku daray: “Waad qiyaasi kartaa waxa dhici kara markii magaalo uu dahab ka buuxo ay soo galaan rag awood u leh inay wax kasta oo ay rabaan sameeyaan.”

Laakiin subaxnidamii ay taariikhdu ku beegneyd 7-dii bishii June ee sanadkii 1692-kii, xaaladdaas way isbaddashay gabi ahaanba. Waxaa sidoo kale isbaddalay wajigii ay lahayd magaalo xeebeedka Port Royal.

Dhul-gariir aad u weyn ayaa ku dhacay magaalada, kaasoo burburiyay inteeda badan, sidoo kalena dilay 2,000 oo ka mid ah dadkii ku sugnaa halkaas.

.

Xilligaas wixii ka dambeeyay, Port Royal waligeed uma ekaanin sidii ay u ekaan jirtay.

“Dhul-gariirku wuxuu baabi’iyay qeybtii ugu weyneyd magaalada, oo ah dhul ku fadhiyay 52 acres (oo ah cabirka dhulka lagu qiyaaso), kaasoo ah ku dhawaad saddexmood labo ka mid ah baaxaddii magaalada, qeybtii burburtayna waxaa laqay biyaha badda,” ayuu yidhi Salvinius Wolters, oo ah farsamo-yaqaan ku xeel dheer arrimaha taariikhda dadkii hore.

Qof walba oo doonaya inuu soo arko burburka magaaladaas ee biyaha hoostiisa ku jira waa inuu fasax ka qaato dowladda.

Hadda goobtan waxay qarka u saaraneyd in lagu daro liiska goobaha taariikhiga ah ee ay diiwaan galiso hay’adda UNESCO.

Hase yeeshee, taariikhda madow ee magaaladan ay ku lahayd ganacsigii addoonsiga ayaa jahwareer ku abuura dadka reer Jamaica ee maanta jooga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here