Australia: Maxkamad Xukun Ku Riday Nin Weeraray Haweeney Muslimad Ah

0
337

Nin u dhashay dalka Australia oo weerar ku qaaday haweeney muslim ah ayaa lagu xukumay saddex sano oo xarig ah.

Ninkan ayaa dhulka ku tuuray haweeneyda isla markaana waa uu feeray.

Waxaana dhacdadaas lala xiriiriyay weerarada ku saabsan islaam naceybka.

Ninkan oo lagu magacaabo Stipe Lozina, wuxuu weerar ku qaaday Rana Elasmar bishii Nofembar sanadkii lasoo dhaafay xilli ay ku sugneyd magaalada Sydney.

Rana Elasmar waxay xilliggaas laheyd uur 38 usbuuc ah, waxay ku sugneyd maqaaxi ku taalla Sydney, waxaana durbadiida maqaaxida soo galay ninkan oo ka codsanayay in lacag ay bixiyaan.

Waxay diideen inay lacag bixiyaan, islamarkiiba wuxuu dhulka ku tuuray haweeyda oo uu laad la dhacay ilaa 14 jeer.

Dacwad oogayaasha waxay sheegeen in ninka uu ku qeylinayay “Haddii aad tihiin muslimiinta waxaad dhibaato weyn u geysateen hooyadey”

Guud ahaan Australia waxaa ka dhashay caro weyn kaddib markii uu baahay muuqaalka ku saabsan weerarka ka dhanka ah haweeneydan.

Ninka oo laga cel celinayo Rana Elasmar

Garsooraha maxkamadda Christopher Craigie wuxuu horraan ku tilmaamay dhacdadan “Mid khalad ah oo aan la aqbali karin” wuxuu sheegay in weerarka uu ka dambeeyay nin xaaladdiisa caafimaad aysan wanaagsaneyn.

“Weerarka wuxuu dhibaato daran u geysan karaan hooyada iyo canuga uurkeeda ku jira”

Rana Elasmar waxay bishii September maxkmadda ka hor sheegtay inay dareentay in lagu bartilmaameedsaday diinteeda isla markaana waxay u cabsi qabtaa nolosheeda iyo tan canuga.

“Haddii qofna uusan soo faragelin laheyn xaaladda, waa la ii dili lahaa” ayay tiri Rana.

“Waxaan gaaray go’aanka ah in aan badbaadiyo ilmaha caloosha ku jira si uusan wax u gaarsiin caloosheyda”

Waxaa soo gaaray dhaawac fudud, saddex toddobaad kaddib weerarka waxay dhashay wiil.

“Weerara ku saabsan islaam naceybka waa in lasoo afjaraa, waa in la joojiyaa weerarada ka dhanka ah haweenka” ayay tiri Rana bishii lasoo dhaafay.

Ninka weerarka u geystay haweeneyda ayaa wuxuu is geeyay maxkamadda isaga aysan la socon cid garab taagan, markii ay socotay dhageysiga dacwadda , isaga oo careysan uu hadal la fahmi waayay ayuu maxkamadda ka hor sheegay.

Garsooraha maxkamadda wuxuu sheegay in ninkan uu in muddo ah la daalaa dhacayay xanuun dhimirka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here