Madaxweynaha Faransiiska Oo Muslimiinta Dalkaasi U Hanjabay

0
321
Madaxweynaha Faransiiska Emmnauel Macron ayaa shaaca ka qaaday qorshe uu ku doonayo inuu ku meel mariyo sharci adag oo uu sheegay inuu ku xakameynayo waxa uu ugu yeeshay “Muslimiinta gooni u goosadka ah” si uu u difaaco mabaadiida cilmaaniga.

Madaxweyne Macron oo jeediyey khudbad laga sugayey ayaa sheegay muslimiinta ku nool Faransiiska oo laga tirada badan yahay oo lagu qayaaso 6 malyan iney khatar ugu jiraan iney sameystaan ‘bulsho ka duwan’ Faransiiska intiisa kale.

Qorshaha uu madaxweynaha damacsan yahay ayuu ku sheegay iney ka mid yihiin dugsiyada waxbarashada ee ay muslimiinta leeyihiin oo gacan bir ah lagu qabto iyo in la xakameeyo lacagaha dibadaha ka yimaadda ee masaajidda lagu dhiso.

Madaxweynaha ayaa cadaadis xooggan lagu saaray inuu wax ka qabto Islaamka xagjirka ah iyada oo ay jirto cabsi dhinaca amniga ah.

Balse hadalka ka soo yeeray madaxweynaha waxaa si weyn u cambaareeyey dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda muslimka iyaga oo hadalkiisa ku tilmaamay inuu doonayo muslimiinta inuu ku cabburiyo dalka Faransiiska.

Mabaadiida adag ee dalka Faransiiska oo cilmaaniyadda ama laïcité, ku dhisan sharciga wuxuu kala soocayaa dowladda iyo hay’adaha diiniga ah. Fikraddaa ayaana dhigaya dadyowga diimaha iyo caqiidooyinka kala duwan aaminsan iney sharciga hortiisa ka siman yihiin.

Qorshayaasha Mr Macron waxaa ka mid ah in si dhow loo baaro iskuulada gaarka loo leeyahay ee muslimiinta

Dalka Faransiiaka ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay dal ku yaalla galbeedka Yurub oo ay ku nool yihiin muslimiinta ugu badan.

Cabashooyin badan oo muslimiinta ku aaddan oo ay soo jeedinayaan cilmaaniyiinta ayaa waxay mas’uuliyiinta dowladda kaga codsadaan inay si gaar ah u beegsadaan arrimaha muslimiinta sida mamnuucidda xijaabka.

Mr Macron oo Jimcihi ka hadlayey meel ka baxsan magaalada Paris ayaa sheegay Muslimiinta xagjirka ah iney faransiiska khatar ku yihiin maadaamaa ay iyagu leeyihiin sharci u gaar ah oo bulshooyinka Faransiiska kala qaybinaya.

“Diinta Islaamka dunida oo dhan ayey maanta dhibaata ku tahay, mana dooneyno iney taa dalkeenna ku aragno” ayuu yiri Mr Macron.

Tallaabbooyinka uu madaxweyne Macron la damacsan yahay muslimiinta Faransiiska waxaa la filayaa dabayaaqada sanadkan inuu baarlamaanka dalkaasi horgeeyo.

Tallaabbooyinka uu Macron damacsan yahay inuu qaado waxaa ka mid ah:

  • In si adag loola socdo ururrada isboortiga iyo ururrada kale ee ay bulshooyinka isugu yimaadaan oo looga mid dhigo barashada islaamiyiinta
  • Joojinta nidaamyada imaamyada ee meela ka baxsan Faransiiska waxbarasha u aado
  • Kormeerka iyo dabagalka dhaqaalaha masaajidda soo galo ama lagu maalgeliyo
  • In la xaddido waxbarashada guriyaha lagu dhigto iwm

Mr Maccron waxaa kale uu sheegay Faransiiska inuu waxbadan ka qabanayo arrimaha dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada ee dadka soo galootiga ah, wuxuuna intaa ku daray iney xagjiriintu ay buuxiyeen fursadihi jiray.

Toddobaadki hore laba qof ayaa la dhaawacay kaddib marki weerar lagu qaaday xafiiski hore ee wargeyska Charlie Hebdo ee lagu aflagaaddeeyey Nabi Muxammad (NNKH).

Bishii January 2015-kina kooxaha jihaad doonka ah weerar ay xafiiska wargeyska Charlie Hebdo ku qaadeen waxaa lagu dilay 12 qof, iyaga oo kooxaha weerarkaasi soo qaaday ay sheegeen iney wargeyska weerarkaasi ugu qaadeen si ay ugu aarsadaan aflagaaddada Nabi Muxamad (NNKH) uu u geystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here