Meydka Cali Khaliif Galeydh Oo Maanta Lagu Aasayo Magaalada Muqdisho

0
500

Meydka Allaha u naxariistee marxuum Cali Khaliif Galeydh oo khamiistii ku geeriyooday magaalada Jigjiga ayaa lagu wadaa in maanta la geeyo laguna aaso magaalada Muqdisho.

Guddiga qaban-qaabada Aaska raysal Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay in salaada janaasada lagula tukan meydka Galeydh Garoonka diyaaraaha Aadan Cadde kadibna la aasi doono.

Salaada janaasada iyo aaska meydka Cali Khaliif Galeyr ayaa lagu wadaa inay ka qeybgalaan madaxda ugu sarreeysa dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here