Dowladda Norway Oo Xanibaadii Ka Qaadday Masaajidka Towfiiq

0
295

Dowladda Norway ayaa xanibaadii ka qaadday masaajidka Tawfiiq, oo muddo dheer ay maamulkiisa isku haystaan laba kooxood oo Soomaali ah oo mid walbaa uu sheeganayo maamulka saxda ah.

Khilaafka ayaa salka ku hayay arrimo ay kamid yihiin habka loo maamulayo dhaqaalaha uu gobolka Oslo ee dalka Norway ku taageero masaajidka.

Gobolka Oslo ayaa soo saaray go’aan ah in lasoo fasaxayo dhaqaalihii uu ku caawin jiray masaajidka inkasoo aan weli xal buuxa laga gaadhin cidda rasmiga ah ee loo aqoonsan yahay maamulka masaajidka.

Guddiga hadda gacanta ku haya ayaa sheegay inay diyaar u yihiin go’aan kasta oo kasoo baxa dowladda Norway ayna ku qanacsan yihiin in masaajidku ka baxo isqabqabsiga maamul ee gaadhsiiyay marxaladdan.

Qolyaha dhinaca kale ayaa sheegay in ay racfaan ka qaadan doonaan go’aan kasta oo maxkamada Oslo kaasoo baxa haddii tallada masaajidka dib loogu celiyo guddiga hore gacanta ugu hayay.

Soomaalida ku dhaqanka dalka Norway ayaa walaac xooggan ka muujiyay khilaafka joogtada ah ee masaajidkaTowfiiq, iyagoo hore u codsaday in loo dhiibo dad ka madax bannaan labada dhinac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here