Gabadhii Burco Lagu Kufsaday Walaalkeed Oo Arimo Yaab Leh Shaaciyay+ Sida Laga Yeelay Ninkii Dilay Marxuumada

0
524

Hooyo saddex carruur ah haystay ayaa kufsi iyo dil loogu geystay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, Haweeneydaas walaalkeed ayaa BBC-da uga warramay sida ay wax u dhaceen iyo tallaabada ay qaadeen.

Cabdinaasir Cali Cabdullaahi ayaa sheegay in meydka walaashii – oo lagu magacaabi jiray Ugbaad Cali Cabdullaahi – uu yaallo cisbitaalka weyn ee magaalada Burco.

“Waxa kaliya ee aan codsaneyno waa in xukuumadda Somaliland, oo uu madaxweynuhu ugu horreeyo, ay caddaalad na siiyaan. Arrintaas caddaalad ayaan ka rabnaa, ninkaa dilka geystay ee eedesanaha ah waxaannu dooneynaa in sharciga naloo mariyo sida ugu dhakhsiyaha badan leh oo aan xabsiga loogu heynin sida dadka hore ee dilalka u xidhan.” Ayuu yidhi.

Isagoo ka warramaya dhibaatadii loo geystay haweeneydaas ayuu yidhi: “Gabadha madaxa ayaa laga dilay, gidaarka ayaa madaxa loola dhacay, kaddib maskaxdii ayaa duntay, dhaawacaas madaxa ka gaadhay ayeyna u dhimatay.”

Booliska Somaliland ayaa baadhitaan ku wada dhacdadan oo argagax galisay shacabka.

Ninka falkan lagu eedeeyay, oo aan magaciisa la shaacinin, ayaa lagu soo warramayaa inuu isagu isgeeyay saldhigga dhexe ee booliska magaalada Burco kaddib markii ay musiibadan dhacday.

Lama oga sababta keentay kufsiga iyo dilka loo geystay hooyadaas iyo xidhiidhka ka dhaxeeyay labada qof.

Cabdinaasir ayaa beeniyay warar sheegayay in uu socdo dadaal kiiskan loogu dhameynayo qaab xeer hoosaad ah.

“Arrin ku saabsan xeer Soomaali waxba kama jiro, cid aan is aragnayna ma jirto oo aan ka ahayn ciidanka nabadgalyada ee kiiskan gacanta ku haya, waxaana mar labaad codsaneynaa in gabadhaas ay caddaalad hesho.” Ayuu sii raaciyay.

Muddooyinkii lasoo dhaafayba waxaa soo badanayay falalka kufsiga iyo dilka isla socda ee ka dhacayay deegaanno ka tirsan dhulka Soomaalida

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here