Askar Iyo Saraakiil Badan Oo Lagu Laayey Weerar Ka Dhacay Duleedka Afgooye

0
273

 Inta la xaqiijiyay 12 askar iyo saraakiil isugu jira oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa maqribnimadii caawa lagu dilay duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

Ciidankaas ayaa ka baxay degmada Afgooye waxayna u gurmanayeen ciidan kale oo ka soo baxay deegaanka Warmaxan ee gobolka Shabeellada Hoose oo jidka loo galay.

Hasa yeeshee markii ay ka baxeen Afgooye oo ay marayaan deegaan lagu magaacaabo Doolka ayaa iyagana jidka loo galay, waxaana laga gubay inta badan gaadiidkii ay wateen.

Gaashaanle Cabdulle Cali Mire oo ahaa Taliyihii ururka 54-aad, guutada 7-aad, qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka oo hoggaaminayey ciidanka la weeraray iyo sarkaal kale ayaa ka mid ahaa dadkii lagu dilay halkaas.

Khasaaraha ugu badan ciidankaas waxa uu ka soo gaaray qoriga loo yaqaano Sebanka, kaas oo gaadiidkii ay wateen lala beegsaday iyaga oo aan iska jirin, isla markaana gaadiidkooda saaran, wixii intaas ka dambeeyana waxaa halkaas ka qarxay dagaal culus.

Saraakiil hoggaamineysay ciidanka kale oo gurmad ugu tegay ciidanka la weeraray, isla markaana khasaaraha badan uu soo gaaray, ayaa noo sheegay in dagaalamayaashii weerarkaas fuliyey ee Al-Shabaab intoodii badneyd goobtaas lagu dilay.

Meydadka iyo dhaawacyadii weerarkaas loogu geystay ciidamadaas ka tirsan milateriga Soomaaliya ayaa caawa la soo gaarsiiyey isbitaallada magaalada Muqdisho.

Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas ayaa qoraal ka soo baxay waxay ku sheegeen inay ku dileen 25 askar iyo saraakiil isugu jiray, balse ma jirto cid ka madax banaan oo xaqiiji karta sheegashadooda.

Wararkii u dambeeyay ee aan ka heleyno caawa deegaanadii uu weerarkaasi ka dhacay ayaa sheegaya in weli laga maqlayo rasaas teelteel ah oo ay is weydaarsanayaan Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here