Boqor Jawaab Kulul Ka Bixiyay Weerar Lagu Qaaday Wiil yar

0
243

Boqorka Urdun Cabdullaahi ayaa mas’uuliyiinta dalkaas amar ku siiyay inay qaadaan tallaabooyin adag oo dhanka sharciga ah oo ka dhan ah dadkii weerarka ku qaaday wiil 16 jir ah.

Waxaana si xun loo jirddilay wiilka kaddib markii koox ay weerar kusoo qaaday xilli Talaadadii uu marayay magaalada Zarqa ee dalkaas.

Weerarka ayaa ahaa mid argoosi ah kaddib markii dad ay qaraabo yihiin wiilkan lagu eedeeyay inay geysteen falal dil ah.

Wakaaladda wararka ee dowadda ee Petra ayaa sheegtay in la xiray dadka lagu tuhunsan yahay inay weerarka geysteen.

Wiilka wuxuu haatan ku sugan yahay xaalad halis ah, waxaana lagu daweynayaa cisbitaal ku yaalla Urdun.

Boqorka wuxuu amar ku bixiyay in wiilka loo qaado cisbitaalka Boqor Xuseen ee ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Cumaan si loo daryeelo xaaladdiisa caafimaad.

Shacabka Urdun ayaa si weyn uga carooday muuqaalka ku saabsan dhacdadan oo lagu baahiyay baraha bulshada.

.

Wasiirka caddaallada Bassam Talhouni ayaa sheegay “In sharciga uu dhaqan galayo si tallaabo adag looga adag dambiilayaasha carqaladeynayo amniga isla markaana argagax ku abuurayo shacabka” , sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee dowladda.

Wuxuu sidoo kale sheegay in weerarkii Talaadadii ka dhacay halkaas uu yahay mid ku cusub shacabka Urdun oo aanay aqbaleyn sharciga iyo diintaba.

Wakaaladda wararka dowladda waxay sidoo kale ku warrantay in la xiray ninkii muuqaalka ka duubay dhacdada lagu weeraray wiilka yar ee ku baahiyay baraha bulshada kaddib markii dacwad oogaha guud ee Urdun uu amar ku bixiyay in lasoo xiro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here