Maxaabiistii Ugu Badnayd Oo Ay Is-dhaafsadeen Xulafada Sucuudiga Iyo Xuutiyiinta Ku Dagaalamaya Yemen

0
244

Dhinacyada ku dagaalamaya dalka Yemen mudada dheer ayaa maanta Is-dhaafsaday maxaabiistii ugu badnay kadib markii heshiis ku dhexmaray Switzerland bishii u dambaysay, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan maleeshiyada Xuutiyiintu.

Dawladda Yemen, oo ay taageeraan xulafada Sucuudigu hoggaamiyo, iyo Maleeshiyada Xuutiyiinta ayaa gaadhay heshiis lagu sii daynayo  15,000 Maxbuus, taas oo qayb ka ah heshiis ay isku soo dhaweynaysay Qaramada Midoobay.

Maxaabiistan ay is-dhaafsanayaan labada dhinac ayaa noqonaysa tii ugu balaadhnayd ee la qorsheeyey in la sii daayo tan iyo 2014-kii oo dagaalku bilaabmmay.

Ergayga Qaramada Midoobay ee gobolkaasi Martin Griffiths ayaa soo dhaweeyey talaabadan waxaanu ku tilmaamay “Horumar aad u muhiim ah” markii wadahadalku ka dhacay Switzerland bishii u dambaysay.

Sidoo kale Afhayeen u hadashay hay’adda Laanqayrta Cas ee (ICRC), oo iyadu waday hawlaha farsamo ayaa sheegtay in tiro madaaro ah oo ay ku sugan yihiin kooxda ICRC ay ka dhici doonto isku gudbinta maxaabiistan la sii daayey.

“Koox ka tirsan ICRC ayaa ku sugan dhawr madaar oo kala duwan. Diyaargarowguna wuu socdaa,” ayay tidhi Yara Khaweja oo la hadlaysay wakaalada Wararka ee Reuters.

Telefishanka Al Masirah oo ay gacanta ku hayaan Maleeshiyada Xuutiyiintu ayaa sheegay in kooxda ugu horaysa ee Maxaabiistan inay filayaan in maanta oo khamiis ah la keeno Madaarka caalamiga ah ee Sanca oo ay maleeshiyadu gacanta ku hayso.

Qorshaha Maxaabiistan la is-dhaafsanayo ayaa ku soo beegmaya xili maalintii shalay la sii daayey laba qof oo u dhashay dalka Maraykanka oo lagu haystay Yemen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here