ONLF: “Waan Aaminsannahay Aayo Ka Talinta Markii Aan Xabadda Rideynay Iyo Marka Aan Qalinka Ku Hadleyno”

0
232

Waxaa haatan labo sano laga joogaa markii dowladda Itoobiya iyo ururka ONLF ay wada gaareen heshiis nabadeed, waxaana halkaas lagu soo afjaray dagaalkii u dhexeeyay ururka iyo dowladda.

Dabaysha siyaasadda cusub ee Itoobiya ayaa saamaysay ururka ONLF oo lagu dhawaaqay sannadkii 1984-tii , halka wada hadalo dheer kadib lagu guulaystay in halgankii ururka ONLF si nabad ah ugu soo xaroodaan magalooyinka waawayn ee deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Ururka ONLF ayaa isbaheysi cusub oo siyaasadeed la gashay ururro kale oo siyaasadeed oo ka dhisan Itoobiya.

Haddaba arrinta haatan taagan waxay tahay, heshiiskii labo sano ka hor dhexmaray ONLF iyo dowladda si dhab ah ma u hergelay?

Feysal Rooble oo ka faalooda siyaasadda geeska Afrika ayaa BBC-da u sheegay in heshiiskaas uu dhaqan galay maadama ururka ay si weyn uga dhex muuqdaan saaxadda siyaasadeed ee Itoobiya.

“Sida uu qornaa iyo xaaladdu maanta sida ay tahay waa hirgelay heshiiska ilaa imika ONLF uu dalka ka dhex shaqeeyo isla markaana ay xafiisyadeedii furato, dadka hanuuniso, xulufao la noqoto xisbiyada qaar oo hadda isku diyaarinayo doorashooyinka soo socda iyo inay wadashaqeyn kala dhexeyso dowladda maamulka”

Maxaa ka hirgelay heshiiska?

Cabdiqaadir Xasan Hirmooge (Caddaani) afahayeenka ONLF ayaa ka dhawaajiyay in qodobo dhowr ah oo ku saabsan heshiiska aysan hirgelin isla markaana ay doonayaan inay galaan wadahadallo dheeri ah oo lagu xallinayo arrimahaas.

“Qodobo kale oo farsamo oo aan hirgelin baa jiraa wadahadal dheeri ah in aan sii wadagalno anaga iyo dowladda dhexe dadka soomaalida waxay tirsanayaan ee gacan bidxeynta ah iyo cadaadintii iyo aayo ka talinta iyo arrimaha khilaafka keenay iyo doorka soomaalida iyo xuquuqda ay federaalka ku leeyihiin si lasii lafaguro ayaa heshiiska inoo daba taallay”

“Dib u dejinta dadka, mideynta dadka soomaalida ah iyo wixii naga khaldamay labada dhinac labada saxo arrimahaas sidii la rabay uma hirgelin” ayuu yiri Caddaani.

Askarta ONLF oo lagu daray ciidamada deegaanka
 

Cabdiraxmaan Axmed Xasan wasiirka biyaha Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa dhankiisa sheegay in heshiiska uu horseeday in gobolka uu waa cusub u baryo oo uu u jiheystay waddo cusub.

“Heshiiska si qurux badan bey wax uga hirgaleen.. waxaan u arkaa guud ahaan taariikhii siyaasadeed ee deegaanka ka jiri jirtay in waa cusub uu baryay, xadaarad cusub oo siyaasadeed inay kusoo biirtay. heshiiskii iyo deegaan ahaan inay ka muuqato xasiloonida siyaasadeed iyo nabadgelyada deegaanka ka jirta inay qeyb ka tahay sida loola dhaqmay ONLF”

Waxyabaaha ay tabanayaan ururka ONLF waxaa kamid ahaa in dib u dejin aanan loo sameyn dagalyaahanda ururka isla markaana aanan la meeleeyn ciidankii jabahadda, sida uu sheegayo Caddaani.

Balse waxaa arrintaas gaashaanka u daruuray wasiirka biyaha Dowlad Deegaanka Cabdiraxmaan Axmed oo yiri sidatan “Hanti fara badan ayaa ku baxday dib u dejintii iyo dib u meeleyntii dadkii askarta ahaa ee lagala wareegay ONLF iyo in mas’uuliyiinta ururka la siiyay tashiilad badan oo lagu xurmeynayo”

Mudo kadib oo ay ONLF ay ku dhawaaqday in ay yihiin xisbi siyasadeed, halka siyaasiyiinta ururku ay ku hawlan yihiin isbadal horseeda hadafkoodii xornimo raadinta oo sheegayaan in aanay weli ka harin.

“Aayo ka talinta waan qabnaa, barnaamijkanna ayuu kamid yahay, dastuurka Itoobiya waa ogolyahay, shacabka soomaaliyeed ayaa nala qaba. markii aan xabadda rideynay marka aan qalinka ku hadleyno waan aaminsannahay” ayuu yiri afahayeenka Ururka.

Ururka ONLF iyo ururo kale oo hubeysnaa oo dagaal kula jiray dowladda Itoobiya ayaa laga saaray liiska argagixisinmo kaddib markii ay dowladda la galeen heshiis nabadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here