Alshabaab Oo Deegaamo Soomaliland Kamida La Wareegtay Iyo Mooganaanta Xukuumada Muuse Biixi

0
269

Wararka laga helayo gobolka Sanaag ee Soomaaliland ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay dagaalyahanada kooxda Al-Shaab ay gudaha u galeen deegaano hoos-yimaada degmada Laas-Qoray ee gobolkaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa Warbaahintu u sheegeen in deegaanadaasi ay ku arkeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabay halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay la waregeen deegaanada kala ah Mirici, Masha-caleed, Xabaasha Aw-Cali iyo Markeet, kuwaas ku yaalla duleedka Laas-Qoray.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in deegaanadaasi ay howl-gallo ka sameeyeen, gaar ahaan halka loo yaqaano Gurya-Samo oo u dhexeeya degmooyinka Badhan iyo Laas-Qoray ee gobolka Sanaag.

Xaaladda ayaa haatan u kacsan, iyadoona dadka deegaanka ay cabsi xoogan ka muujinayaan in dagaal culus uu ka qaraxo halkaasi.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay madaxda Somaliland 

Lama oga u jeedka ka dambeeye in Al-Shabaab ay u wareegaan  gobolka Sanaag oo fariisimo ku leeyihiin ciidamada Somaliland 

Al-Shabaab oo weli ku xoogan qeybo ka mid ah Soomalia  ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah iyo qaraxyo ka fulisay gudaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here