Maxkamad Go’aan Laga Soo Saartay Eedaymo Loo Haystay Bilaal Bulshaawi

0
256

Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ayaa goor-dhawayd go’aan ka soo saartay eedaymo loo haystay  Bilaal Bulshaawi oo ah wiil dhalinyaro ah oo ka soo jeeda Soomaaliya.

Maxkamadu waxa ay ku xukuntay in 24 saacadood gudahood dalka lagaga tarxiilo oo la mustaafuriyo.

Bilaal bulshaawi oo aan qareen u ahaa saaka ayay Maxkamaddu dacwadiisu ku dhawaaqday. Waxaanay Maxkamadda Gobolka Hargeysa qaraarisay in mudo 48 saacadood dalka lagaga saaro oo la mastaafuriyo. Garyaqaan Jamaal Xuseen Mandeela ayaa qoraalka ku baahiyay bartiisa Facebook.

Qoyska Bilaal Bulshawi ayaa hore waxa ay uga codsadeen Maamulka Somaliland in la sii daayo wiilkooda. Bilaal bulshaawi oo loo yaqaanno madaxweynaha Tiktok ayaa bishii la soo dhaafay lagu xiray Hargeysa.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa hore u sheegay inuu aqbalay codsiyada ah in la sii daayo Bilaal Bulshaawi, oo caan ka ah barta Tiktok.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here