Mulkiilihii Ahaana Gudoomiyihii Shirkada Soo Saarta Alaabaha Noocyadeeda Kala Duwan Ee SAMSUNG Ayaa Geeriyooday

0
270

Lee Kun-hee, gudoomiyihii shirkadda ugu weyn South Korea, ee Samsung Group, ayaa dhintey isagoo 78 jir ah.

Mr Lee wuxuugacan ka gaystay inuu kobciyo meherad yar ee ganacsi ee aabihiis uu lahaa taasi oo noqotay awood dhaqaale leh, waxa uu xoogga saaray caymiska iyo rarka.

Intii uu noolaa, shirkadda Samsung sidoo kale wuxay ka mid noqday shirkadaha tiknoolajiyada adduunka ugu waaweyn.

Wuxuu ahaa qofka ugu taajirsan Kuuriyada Koofureed, sida ay qortay Forbes, hantidiisana waxay oo ku dhowday $ 21bn (£ 16bn).

Samsung waxay sheegtay in Mr Lee uu dhintay Axadii isaga oo ay qoyskiisa dhinac joogeen, laakiin ma aysan sheegin sababta rasmiga ah ee dhimashada. Sannadkii 2014-kii ayuu wadna xanuun dartii uu wiilkiisa ugu wareejiyay maamulka shirkadda.

“Dhamaanteen Samsung hadii aan nahay waan qadarin doonaa xusuustiisa waana ku faraxsanahay shaqadii aan la wadaagnay,” ayaa lagu yiri warbixin ay soo saartay shirkadda.

Mr Lee wuxuu ahaa wiilkii saddexaad ee Lee Byung-chul, oo aasaasay Samsung Group sanadkii 1938. Wuxuu ku biiray shirkada qoyska 1968 wuxuuna la wareegay xilka gudoomiyenimo 1987 kadib dhimashadii aabihiis.

Waqtigaas, Samsung waxaa loo arkayay iney tahay shirkad soo saarta alaab tayadeedu hosseeyso hase yeeshee yahay intii uu hoggaaminayey ayuu dib-u-habeyn xooggan ku sameeyay shirkadda taasi oo meesha kasaartay fikrkii laga aaminsanaa shirkadda.

Mr Lee wuxuu caan ku noqday inuu shaqaalaha u sheego 1993: “Aan wax walba badalno marka laga reebo xaasaskeena iyo caruurteena.” Shirkaddu waxay markaas gubtay dhammaan keydkeedii taleefanka gacanta, oo ka koobnaa 150,000 taleefannada gacanta.

.

Mr Lee marar dhif ah ayuu lahadlayay warbaahinta wuxuuna caan ku ahaa inuu dib uxasuusashada, taasi oo uu ku muteystay naaneysta ah “boqorkii xusuusta”.

Shirkadda Samsung ayaa ah shirkadda ugu weyn South Korea chaebols oo ah shirkado ay leeyihiin qoysaskiisa oo ah qoyka ugu maalqabeensan Kuufriyada Koofureed.

Shirkadaha Chaebols ee qoyska Lee ayaa gacan ka gaystay sare u kaca dhaqaale ee Kuuriyada Koofureed ka dib Dagaalkii Labaad ee Adduunka inkastoo muddo dheer lagu eedeynayay arrimo siyaasadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here