Dawlada Fadaraalka Soomalia Oo Ku Ballan Furtay 18 Macallin Oo Lacag Ku Leh

0
339

 Xubno ka tirsan wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay xaqiijiyeen qaar kamid ah macalimiintii ilaalineysay Imtixaanka Qaranka ee Dugsiga sare loo diiday lacagtii ay xaqa u lahaayeen.

Wararka ay heshay Warbaahintu ayaa sheegaya in Macalimiintaan oo gaaraya 18 qof, laga reebay liiska loo gudbiyay wasaraadda Maaliyadda Soomaaliya, kaas oo la wareejiyay todobaadyo ka hor.

Xubno kamid ah Macalimiinta lacagta ka maqan tahay oo aan la hadalnay ayaa noo sheegay in ay la kulmeen madaxda wasaaradad Waxbarashada iyo kuwa wasaaradda Maaliyadda, ilaa haddana aan loo sheegin sababta ay lacagtooda u maqantahay.

“Muddo dheer ayaa isaga daba-laabaneynaa xafiisyada dowladda oo ay quseyso arinteena mana helin ilaa hadda cid aan cabashadeena u sheegno, mas’uul kasta markaa u gudbino dib dambe nooma qaabilo,” ayuu yiri mid ka mid ah macalimiinta lacagta ka maqan tahay oo aan la hadalnay.

“Kaliya lacagta waxay ka maqantahay 18 keena qof, inta kale waa heleen mana naqaano sababta tayna loo reebtay wax dambe ahna ma gelin,” ayuu sii raaciyay mid kamid ah macalimiinta oo aan la hadalnay.

Ilaa hadda wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya kama aysan hadlin cabashada Macaliimiintaan waxaana noo suurta geli weysay inaa helno qaar kamid ah mas’uuliyiinta wasaaradda oo aan la xariirnay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here