Faransiiska Oo Ka Cabanaya Qaadacaadda Ay Ku Sameeyeen Qaar Ka Mid Ah Dalalka Carabta

0
232

Dowladda Faransiiska ayaa dalalka Bariga dhexe ugu baaqday inay ka hortagaan dukaamadda iyo ganacsiyada qaadacay alaabaha dalkaas, kadib markii uu Madaxweyne Emmanuel Macron difaacay in la baahiyo sawir lagu tilmaamay Nebi Maxamed NNKH.

Wasaaradda arimaha dibedda ee Faransiiska ayaa sheegtay in baaqyada lagu qaadacayo alaabta Faransiiska lagu saleeyay go’aanno runta ka fog, oo ay dabada ka riixayaan dad xagjir ah oo kooban.

Alaabaha Faransiiska ayaa laga saaray dukaamo ku yaal Kuawait, Urdun iyo Qatar, halka dibedbaxyo kooban oo Faransiiska ka dhan ah ay ka dhaceen Liibiya, Gaza iyo waqooyiga Suuriya.

Fal celintan ayaa waxay salka ku haysaa faallooyin uu bixiyay Mr Macron ka dib dilkii loo geystay macalin Faransiis ah oo sawir gacmeedyo uu muujiyay Nebi Muxamed NNKH, tusay ardaydii fasalka ku jirtay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in macallinka, oo lagu magacaabo Samuel Paty, “loo dilay sababta oo ah Islaamiyiintu waxay rabaan mustaqbalkeenna”, laakiin Faransiisku “kama quusan doono sawir gacmeedyada”.

Sawiradda Nabi Muxamed NNKH waxay muslimiinta u horseedi kartaa ciqaab culus sababtoo Islaamka wuxuu si cad u mamnuucayaa sawirrada Nabi Muxammad iyo Allaah SW.

Laakiin cilmaaniyadda dalka Faransiiska ayaa waxay udub dhexaad u tahay aqoonsiga qaranka Faransiiska.

Faransiiska ayaa sheegay in xakamaynta xorriyatul qowlka si loo ilaaliyo dareenka koox gaar ah, ay wiiqayso midnimada dalka.Axadii, Mr Macron wuxuu laba jibaaray difaacidda qiimaha Faransiiska waxa uuna qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ku yiri: “Isma dhiibeyno, waligeen.”

1px transparent line

Hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee Turkiga iyo Pakistan ayaa ku gacan seyray Mr Macron, iyagoo ku eedeeyay inuusan ixtiraamin “xorriyadda caqiidada” iyo inuu takooray malaayiinta Muslimiinta ah ee ku nool Faransiiska.

Axadii, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Mr Macron uu u baahan yahay “baaritaan dhanka Maskaxda ah.

Hadalka Erdogan ayaa horseeday in Faransiiska ay dib ugu yeeraan safiirkooda u fadhiya Turkiga.

Sidee ayay u ballaarantahay qaadacaadda alaabaha faransiiska?

Qaar ka mid ah goobaha laga dukaameysto ee dalalka Urdun, Qatar iyo Kuwait ayaa ilaa Axaddii laga xayuubiyay alaabtii Faransiiska. Tusaale ahaan timaha macmalka ee lagu sameeyo Faransiiska iyo waxyaabaha la isku qurxiyo.

Dalka Kuwait, ururka ganacsiga ee alaabta tafaariiqda ayaa amar ku bixiyay in la qaadaco badeecadaha Faransiiska.

Wasaaradda arimaha dibedda ee Faransiiska ayaa sheegtay in baaqyada lagu qaadacayo alaabta Faransiiska lagu saleeyay go’aanno runta ka fog, oo ay dabada ka riixayaan dad xagjir ah oo kooban.

Qaar ka mid ah goobaha laga dukaameysto ee dalalka Urdun, Qatar iyo Kuwait ayaa ilaa Axaddii laga xayuubiyay alaabtii Faransiiska.

Waxaa sidoo kale baraha bulshada dhex-wareegayay baaqyo dhanka online-ka ah oo dalalka Carabta lagu boorrinayo iney iyagana qaadacaan alaabaha Faransiiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here