Maxay Tahay sababta Trump Mar Walbo Uu Tusaale Ugu Soo Qaato Madaxwaynihii 16-aad Ee US?

0
220
Hadaladii ay is waydaarsadeen madaxwayne Donald Trump iyo Joe Biden dooddii ugu dambeysay ee dhexmartay ayaa waxaa jiray hal arin oo dadka soo jiidatay.

Arrintii sida wayn looga dooday waxay ahayd arrinta cunsuriyadda.

Madaxwayne Trump ayaa markii uu arrintan ka hadlayay waxaa uu tusaale u soo qaatay Abraham Lincoln – oo ahaa madaxwaynihii 16-aad ee Mareykanka islamarkana xilligiisii guushii uu ka gaaray dagaalkii sokeeya lagu soo afjaray arrimihii adoonsiga.

Balse Mr Biden ayaa isaga oo ka faaideysanaya arrintan waxaa uu si jees-jees iyo maad ah ugu jawaabay Trump, balse madaxwayne Trump arrintan uma arkin wax lagu maadsado.

Sidan ayay dooda u dhacday

Iyada oo aysan ahayn markii ugu horeeyay oo uu madaxwayne Trump uu arrinta ka hadlo ayaa waxaa uu yiri “Ma jirto cid dadka madowga ah u qabatay inta uu Trump u qabtay marka laga reebo Abraham Lincoln”. Waxaa uu intaa ku daray: “waxaan ahay qofka ugu cunsuriyadda yare e qolkan ku jira.”

Mr Biden ayaa ku jawaabay: “‘Abraham Lincoln’ Waxaa halkan nala jooga madaxwaynihii ugu cunsuriyadda badnaa marka la eego taariikhdeena casriga ah”.

Waxaa uu Biden intaa ku daray Waxaa uu huriyay cunsuriyad kasta.”

Trump: “Waxaa uu xusay Abraham Lincoln, halkey taasi ka timid ?”

Biden: “Waxaa tiri waxaan ahay Abraham Lincoln.”

Trump: “Maya, maya ,. … ma oran waxaan ahay Abraham Lincoln’. Waxaan iri , ‘tan iyo Abraham Lincoln ma jirto cid u qabatay dadka madowga ah wixii aan aniga u qabtay ‘.”

Mr Trump yaa ka dib weerar ku qaaday Mr Biden isaga oo su’aal galiyay doorka uu ku leeyahay cunsuriyadda.

.

 

Waxaa uu tusaale u soo qaatay hindisa sharciyeedkii sanaddii 1994 ee dambiyada ee uu Mr Biden qoridiisa gacan ka geystay islamarkana ay sharcigaasi dadka madowga u aaneeyaan in uu sabab u ahaa xarig iyo dhibaato badan oo loo geystay madowga Mareykanka .

Hdalada ay labada musharax is waydaarsadeen ayaa waxaa uu dooda ka dhex dhaliyay dhaliyay baraha bulshada.

Madaxwayne Trump ayaa isaga horey tusaale ugu soo qaatay Abraham Lincoln isaga oo sheegay in maamulkiisii u hormariyay waxbarshada iyo shaqada dadka madowga ah .

Dadka wax falanqeeya ayaa sidoo kale ka hadlay sheegashada Trump, iyaga oo sheegay in ay jiraan madaxwaynayaal wax badan ka qabtay arrimaha xuquuqda madaniga ah.

Waxay tusaale u soo qaateen Lyndon B Johnson, oo xiligii uu madaxwaynaha ahaa loo codeeyay xuquuqda codeynta iyo sharcigii xuquuqda guriyaynta ee la ansixiyay 1960-yadii.

Toddobaadkii aanu soo dhaafnay , Mr Trump ayaa waxaa uu sidoo kale isbarbar dhig ku sameeyay madaxwaynihi 16-aad isaga oo sheegay in sida xun ee ay saxaafadda ula dhaqantay aysan jirin madaxwayne loola dhaqmay xitaa Lincoln.

“Abraham Lincoln waxaa loola dhaqmay si xun, laakiin lolama dhaqmin sida xun ee aniga la iila dhaqmay,” ayuu yiri Mr Trump.

Madaxwayne Lincoln ayaa markii uu ku guuleystay dagaalkii sokeeye 1861-65. Waxaa uu sanaddii 1863 amray in la siidaayo dadkii madowga ahaa ee Mareykanka lagu adoonsanayay.

Maalmo uun ka dib markii uu is dhiibay Janaraal Robert E Lee 1865, Lincoln ayaa la dilay isaga oo ku sugan Tiyaatar ku yaalla Washinton, waxaana dilkiisa geystay John Wilkes Booth.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here