Dagaalka Karabakh: Ruushka Oo Ka Jawaabay Codsi Armenia Uga Yimid

0
290

Ruushka ayaa sheegay in uu taakulada “lagama maarmaan ka ah” siin doono Armenia hadii dagaalka ay kula jirto Azerbaijan ee ka socda gobolka Nagorno Karabakh soo gaadho gudaha Armenia.

Hadalkan ayaa lagu sheegay warbixin ay soo saartay wasaaradda arimaha dibadda Ruushka oo lagu yidhi “Moscow waxay Yerevan u fidin doontaa taakulo kasta oo lagama maarmaan ah oo ay u baahanto hadii dagaalka si toos ah u soo gaadho dhulka Armenia.” Waxaanay sidoo kale labada dhinac ee dagaalamaya ugu baaqday in ay si degdeg ah xabadda u joojiyaan.

Arintani waxay jawaab u tahay warqad ra’isal wasaaraha Armenia, Nikol Pashinyan, u diray Ruushka oo uu kaga codsanayo in ay bilaabaan “wada xaajood degdeg ah” oo ku saabsan taakulo dhanka ammaanka ah oo uu ka siiyo dagaalka dalkiisu kula jiro wadanka ay olloga yihiin ee Azerbeijan ee ay ku dirirayaan gobolka Nagorno Karabakh.

 

Mudo bil ah oo dagaalkaasi socday ayaa Azerbaijan waxay qabsatay dhul balaadhan oo dhanka koonfureed ee Nagorno Karabakh ah, maalmihii ugu dambeeyeyna waxay ciidamadeedu ku soo siqayeen dhanka magaalada labaad ee gobolkaa la isku hayo ugu weyn ee Shushi.

Warqadda uu u diray Ruushka waxuu Pashinyan ku sheegay in Nagorno Karabakh ay weerar ku hayaan Azerbaijan, Turkiga iyo waxa uu ku sheegay “argagixiso shisheeya ah” oo ka yimid Bariga Dhexe.

Ilaa haatan Ruushku wuu ka cago jiidayey in uu dhanna la safto labada dhinac ee dagaalamaya, waxaanu isku dhigayey inuu yahay dal dhexdhexaadinaya labada wadan.

Armenia waxay sidoo kale ku eedaysay Azerbaijan dembiyo dagaal in ay gashay, waxaanay sheegay in ay adeegsatay maada Foosforooska cad oo ay ku gubtay kayamaha. Hase yeeshee Azerbaijan ayaa arintaa beenisay oo sheegtay in aanay adeegsanin hub sharciga caalamiga ahi xaaraantinimaynayo.

Waxaana mudada bisha iyo dheeraadka ah ee dagaalku socday ku dhintay kumanaan qof oo rayid iyo askar ba isugu jira.

Duqeymaha ugu dambeeyey maxaa dhacay?

Afahyeenka madaxweynaha Azerbaijan Hikmet Hajiyev wuxuu sheegay xoogagga Armenia “iney adeegsadeen bam halis ah si ay dadka rayadka ee ku nool magaaada Barda ee ku taalla bartaha Azerbaijan ay waxyeello badan uga soo gaaraan.”

Sawir baraha bulshada lagu baahiyey ayaa muujinaya waxyeellada duqeynta ugu dambeysay ka dhalatay sida jir dad oo googo’an iyo gaadiid gubtay iyo waddooyin burbursan.

.

Haweeney ku nool deegaankaasi oo lagu magacaabo Ulviyya Babayeva waxay sheegtay meel aan ka fogeen iney ku dhaceen seddex gantaal kaddibna ay goobti ka carartay oo ay raadsatay meel gabbaad ah.

“Waxaan aragnay dab iyo bam iska soo daba dhacaya,” ayey tiri mar ay BBC u warrameysay.

“Hal gantaal wuxuu ku habsaday gaadhi hortaagnaa bangi, kaddibna waxaa meel walba lagu arkayey firirka bamka, burburka gadiidka iyo muraayado jajaban… bamkuna wuxuu ku dhacay xaruun dab-damis halkaasi oo uu bamku ka geystay dhimasha iyo dhaawac.”

Wasaaradda arrimaha dibadda Azerbaijan waxay sheegtay askar boolis ah iyo shaqaalaha kale ee dab-damiska uu qaraxaasi dhaawaca ka soo gaaray waxaa loo qaaday isbitaalka magaalada Barda si dhaawacyadooda looga dabiibo.

Wasaaraddu waxay intaasi ku dartay duqeyntan ugu dambeysay iney ahayd mid ku xad gudubtay shuruucda caalamiga ee u yaallay arrimaha bani-aadaminimada iyo iney dowladda Armenia ay mas’uuliyaddaasi qaadato.

Dhinaca kalana mas’uuliyiinta gobolka Nagorno-Karabakh ayaa sheegay xoogagga Azerbaijan iney duqeeyeen isbitaal ay ku umulaan hooyooyinka iyo adeegya kale oo aasaasi ah oo ku yaallay magaalada Stepanakert.

Warbaahinta Azerbaijan waxay sheegeen howlgal gaar ah oo Talaadadi la fuliyey in lagu dilay taliyaha ciidamada Nagorno-Karabakh, Jalal Harutyunyan.

Wasiirka Gaashaan dhigga Azerbaijan Mr Harutyunyan, waxay diidday iney ciidamadooda dambiya dagaal ay geysteen, balse wuxuu qirtay diyaaradaha aan duuliyaha laheen iney duqeyn la beegsadeen koox gaari sii galayo.

Xaaladda xabbad joojinta waa sidee?

Xabad joojin cusub oo uu Mareykanka soo hindisay ayaa lagu waday inay ka dhaqan gasho ciidamada Armenia iyo Azerbaijan oo ku dagaallamaya dhulka lagu muransan yahay ee Nagorno-Karabakh.

Wadahadallada Washington kaddib , Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa waxay sheegtay in labada dhinacba ay isku raaceen in la dhaqan geliyo loona hoggaansamo xabbad joojin cusub laga billaabo siddeeda subaxnimo waqtiga maxaliga ah.

Laba xabbad-joojin oo horay u dhexmartay labada dal ayaa burburay iyadoo Dagaalkana uu cirka isku shareeray ka hor heshiiska.

.

Weriye ka tirsan BBC-da oo ku sugan gobolkaas ayaa sheegay in weli uu dagaal ka socdo dhammaan jiidaha hore.

Ku dhawaaqidda heshiiskan xabbad joojinta ah ee cusub ayaa imanaya ka dib wadaxaajoodyo dhemaray Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Mareykanka Stephen Biegun, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Armenia iyo dhigiisa Azerbaijan Jeyhun Bayramov.

Dhanka kale Jimcihii, labada wasiir ayaa waxay Washington kula kulmeen Xoghayaha Guud ee Arrimaha Dibadda Mareykanka Mike Pompeo.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa u hambalyeeyay dhammaan dadkii ka qeyb qaatay heshiiska xabbad joojinta.

Tani iyo inta ay dagaalladu ka billowdeen dhulka buuraleyda ee Nagorno-Karabakh waxaa ku dhintay kumannaan qof oo shacab u badan oo labada dal ka soo jeedo, halka ay kumannaan qofna guriyahooda ka qaxeen.

Xaqiiqooyin ku saabsan Nagorno-Karabakh

  • Waa dhul buuraley ah oo ku fadhiya qiyaastii 4,400 kiilo mitir oo laba jibbaaran
  • Waxaa dhulkaasi deggan Kirishtan Armeniya ka soo jeeda iyo Tarki Turkiga ka soo jeedda
  • Xilligii midowgii Soofiyeet gobolkaasi wuxuu noqday gobol madax-bannaan oo ka tirsan jamhuuriyadda Azarbajaan
  • Caalamkana waxaa looga aqoonsan yahay inuu yahay gobol madax-bannan oo ka tirsan Jamhuuriyadda Azarbajaan
  • Dagaalladi dhacay inti u dhaxeysay 1988-1994, waxaa ku dhintay ku dhawaad 30,000 oo qof halka ay ku barakaceen dad lagu qiyaaso 1 malyan
  • Dagaalki 1990-yadi dhacayna kooxo gooni u goosad ah waxay qabsadeen dhulal kale oo ku yaalla xadka Azarbajaan
  • Khilaafka ayaa sii xoogeysanayey tani iyo marki la dhaqan geliyey xabbad joojinti 1994-kii
  • Turkigu si aan gabbasha lahayn wuxuu u taageeraa Azarbajaan
  • Ruushka wuxuu xaruumo militari uu ku leeyahay Armeeniya

Khilaafka muxuu salka ku hayaa?

Sannaddii 1988-kii, oo ku beegnaa ku dhawaad dhammaadkii xukunkii Midowgii Soofiyeeti, xoogagga Azarbajaan iyo gooni-u goosatada Armenia waxay billaabeen dagaal dhiig badan uu ku daatay oo sababay Nagorno-Karabakh iney Armenia gacanta ku sii hayso kadib marki ay labada dal heshiis nabadeed kala saxeexdeen 1994.

Tobannaan kun ayaa lagu dilay dagaalkaasi iyada muwaaddiniin badan oo dalka Azarbajaan ku qasbay inay ka cararaan guriyahooda.

Gobolka labada dal ay isku hayaan oo hadda ah mid madax bannaan haddana wuxuu taageero aad u weyn uu ka haystaa dalka Armeniya. Balse lagama aqoonsano qaramada midoobay oo ay ka mid tahay Armeniya lafteeda.

Sidoo kale, dhul ballaaran oo ka tirsan dalka Azarbajaanna oo ku teedsan agagaarka gobolkaasina waxaa gacanta ku haya dalka Armeniya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here