Maxey Tahay Sababta Qaar Ka Mid Ah Dalalka Aasiya Ay U Doonayaan Un Trump Uu Guuleysto?

0
318

Donald Trump ma ahan madaxweyne helay taageero caalami ah .

Siyaasadda Trump ee ah in Mareykanku wax walba ka horeeyo ayaa horseeday in uu kala bar dalalka caalamka aflagaado u gaystay waxaana uu hoggaamiyaasha Yurub ku tilmaamay kuwo tabar daran sidoo kale waxaa uu hadallo aflgaado ah u jeediyay dalka Mexica iyo dalal ka tirsan qaaradda Afrika.

Balse qaar ka mid ah dalalka koofurta Aasiya ayaa cadowtinimada ay u qabaan Shiinaha waxaa la micno tahay in wali ay taageerayaan Trump.

Hong Kong: Kaliya Trump waxaa ubabac dhigi kara Xisbiga Shuuciga ‘

Hong Kong waxay la kulantay ciriiri adag oo kaga imaanaya Beijing ka dib dibadbaxyo ballaaran oo dimuqraadiyadda lagu tagaeerayay isla markaana looga horjeeday Shiinaha kuwaas oo ka dhacay Hong Kong wakhtiyo kala duwan . Waxaa la la soo saaray sharci cusub oo amniga la xiriira ah laguna ciqaabayo qof kasta oo loo arko inuu gooni u goosad yahay ama wiiqayo xukunka Beijing.

Erica Yuen oo BBC-da la’ hadashay ayaa sidaan tiri “Markii Donald Trump la doortay afar sano ka hor, waxaan moodayay in Mareykanku uu waashay”. “Waligey waxaan ahaan jiray taageere Dimuqraadiyiinta. Haddase, waxaaan taageersanahay Trump aniga iyo inbadan oo kamid ah dibadbaxayaasha Hong Kong”

Haweeneydaan oo u dhaq-dhaqaaqda arrimaha bulshada kana mid ah ganacsatada ayaa sheegaysa in ahmiyadda koowaad ee Hong Kong ay tahay in la helo madaxweyne Mareykan ah oo si adag ugu babac dhigi kara xisbiga shuuciga Shiinaha ee magaciisa loo soo gaabiyo CCP – taasina waa waxa kaliya ee ay mudaaharaadayaasha Hong Kong rajeynayaan.

Rajadaas waxaa sii xoojiyay madaxweynaha Mareykanka oo dhaleeceyn qayaxan u jeediyay Shiinaha, gaar ahaan xaaladaha Hong Kong ka taagan oo uu ku taageerayay dadka dowladda Shiinaha ka soo horjeeda.

Ninka la tartamaya Mr Trump ee Joe Biden ayaa sidoo kale wacad ku maray inuu u “ciqaabi doono” Shiinaha falkii uu kula kacay Hong Kong, wuxuuna si cad ugu tilmaamay hogaamiyaha Shiinaha Xi Jinping burcad.Balse Ms Yuen, ayaa tiri “farqiga u dhexeeya ayaa ah in maamulka hadda jira uu ahaa “kii ugu horreeyay ee go’aan ka gaara in xisbiga CCP-ga uu dhibaato ku yahay adduunka”.

“Ma garanayo sababta ay u garan waayeen maamulladii Obama iyo Clinton. Waxay ahaayeen kuwo aad u jilicsan” ayay tiri Ms Yuen.

Hong Kong waxaa soo maray mowjado qalalaase ah sanadihii la soo dhaafay

Hong Kong ayaa oggsoon in ay u nugushahay waxyeello kasta oo dhaqaale oo ka soo gaarta isku dhac u dhexeeya Washington iyo Beijing.

Taiwan: Walaal weyn oo aan isku halleyn karno’

Xiisadda udhaxeeysa Shiinaha iyo Taiwan ayaa kordheysay muddooyinkii la soo dhaafay . Waxaana ay kala qaybsameen xiligii lagu guda jiray dagaalkii sokeeye ee 1940-yadii, balse Beijng waxey ku adkeysanayaa in jasiiradda dib loo soo celin doono mar uun, xitaa haddii xoog loo baahdo. Washington-se waxay leedahay xalkasta oo ay ku kala tagayaan waa in la’ sameeyaa .

Victor Lin, oo ka shaqeeya arrimo ganacsi ayaa BBC-da u sheegay isagoo ku sugan Taiwan sidaan “Dhaqanka Donald Trump waa noo wanaagsan yahay waana wax wanaagsan inaan yeelano xulafo noocaas ah. Waxay na siinaysaa kalsooni dheeraad ah xagga arrimaha dibedda – xag militari iyo ganacsi.” Waxaan leenahay walaal weyn oo aan isku halleyn karno.

Dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, labada dowladood waxay sameeyeen tallaabooyin waaweyn oo ku aaddan dhameystirka heshiis ganacsi oo laba geesood ah.

Marka laga yimaado ku tiirsanaanta culus ee Shiinaha, wuxuu aaminsan yahay Mr Linh in ay haboonaan laheed in lagu casuumi lahaa shirkadaha waaweyn ee Taiwan inay warshado ka sameystaan Mareykanka.Wuxuu ka walwalsanyahay in Mr Biden aanu wax talaabo ah ka qaadi doonin Shiinaha maadama inta la ogyahay Mr Biden dhaqan ahaan uu taageersanyahay in Shiinaha lala shaqeeyo.

Taiwan

Tallaabooyinka Mr Trump uu ku taageeray Taiwan ee dhanka militariga ayaa sidoo kale xoojiyay taageerada isaga looga hayo gudaha Jaziiradaas . Ra’yi ururin dhowaan la sameeyay ayaa muujisay in Taiwan ay tahay dalka kaliya ee kuwa doonaya in Trump uu xukunka sii jooga oo uu guuleysto ay ka badanyihiin kuwa doonayo in Mr Biden uu guuleysto.

Beijing ayaa si adag uga jawaabtay Mareykanka waxayna uga digtay in aanu ku xadgudbin madaxbanaanida Taiwan si looga fogaado waxyeello ba’an oo soo gaarta xiriirka Shiinaha iyo Mareykanka.

Geesinimada qar iska xoornimada ah ee Vietnam

Washington iyo Beijing waxay ku dagaallameen ciida Vietnam 50-kii sano ee la soo dhaafay,Taageerayaasha Trump ee Vietnam ku sugan ayaana noqday laba kooxood, sida ay sheegayaan qaar ka mid ah dadka falanqeeya arrimahaan .

Kuwa isaga jecel maadiisa iyo kaftankiisa iyo kuwa u ah taageerayasha dhab ah ee raacsan siyaasadda Mareykanka sida kuwa badan oo ku sugan Hong Kong iyo Taiwan -ayaa aaminsan in uu Trump yahay ninka kaliya ee ka hor imaan kara dowladaha Shuuciga ah ee Shiinaha iyo Vietnam.

Donald Trump iyo Raiisul wasaare Nguyen Xuan Phuc

Waxaana arrintaan ay muujineysaa in ay tahay midda uu kaga duwan yahay kuwii isaga ka horreeyay dhanka la macaamilka Shiinaha.

Markii uu xukunka la wareegay Donald Trump, Mr Nguyen wuxuu sheegay inuu dareemay in adduunku uu soo kaban doono halista Shiinaha. hase yeeshee waxaa jira rabitaan ah in dib-u-habeyn dhaqaale iyo siyaasadeed laga sameeyo gudaha Vietnam .

Shakhsi ahaan, Mr Nguyen wuxuu rajeynayaa in mowqifka adag ee Mareykanka ee ka dhanka ah CCP uu saameyn ku yeelan karo gobolka oo dhan ugu dambeyntiina uu gaaro Hanoi.

Japan: Arrinteedu waa amniga.

Japaan waxaa muddo dheer loo arkaayay inay tahay saaxiibka iyo xulafada Mareykanka, balse markii Mr Trump la doortay dad badan ayaa ka argagaxay saameynta siyaasadiisa Wuxuu xarigga ka jaray heshiis ganacsi oo dhinacyo badan taabanaya waxyar ka dib markii uu xafiiska qabtay wuxuuna ku adkeysanayay in Japaan ay tahay inay bixiso lacag badan si ay u taageerto ciidamada Mareykanka ee halkaas ku sugan.

“Donald Trump waa saaxiibkeen. Japan, sababta ugu weyn ee aan u taageerno waa amniga qaranka,” ayay tiri Yoko Ishii, oo ah YouTuberad caan ah .

Waxay tilmaamantay in ay jirto faragalin joogtada ah oo ay sameyaan diyaaradaha Militariga Shiinaha iyo Maraakiibta Shiinaha ayna ku sameyaan biyaha iyo hawada Japaan. waxaa ay intaasi ku dartay in Tokyo iyo Beijing uu udhaxeeyo muranka la xiriira jasiiradaha Senkaku.

“Runtii waxaan dooneynaa hoggaamiye ka socda Mareykanka oo si adag ula dagaallami kara Shiinaha,” ayay tiri”.

Ms Ishii

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here