Xog: Ciidamada Amniga Oo Amar Cusub Kusoo Rogay Garoonka Aadan Cadde

0
365

Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa wadayaasha gaadiidka Taksiga ee ka shaqeeya garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho u diiday in ay tagaan albaabka garoonka, si ay usoo qaadaan dadka garoonka ka soo daga ama ka safra.

Wadayaashaan gaadiidka oo gaaraya 45 gaari ayaa qaarkood muddo ka badan 40 sano ka shaqeeya halkaas, waxaana amar lagu siiyay in ay soo dhaafi karin Soomaali Airline oo u dhow Hoteel Jazeera oo dhowr kiilo mitir ka fog garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

“Ciidamada ayaa qaatay go’aankaan qof xanuunsan, mid waayeel ah, mid naafo ah, waxaa lagu sugaa meel aad uga fog garoonka, annaga markii horaba ma geli jirin gudihiisa ee banaankii ayaa haddana aad noola fogeeyay qofka ma soo gaari karo halkaan,” ayuu yiri mid kamid ah wadayaasha gaadiidka Takaasida ee garoonka Muqdisho.

“Go’aankaan ma ahan mid dowladda dhan isla qabto, waa qorshe ay shirkad lacag ku siisay ciidanka ammaanka qaarkood waxaana lala dagaalay wadayaashii oo halkaan ka raadsan jiray nolal maalmeedkooda,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay mas’uulkaan ka tirsan guddiga gaadiidleyda ee Takaasida garoonka Muqdisho.

Shalay ayaa baraha bulshada ee internet-ka lagu garoonka kadib markii qoyskiisa sheegeen in aysan KM4 ilaa karoonka baxsan karin $8, oo ay ka tagi karaan gees ka gees magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here