Xog Dheeraada Weerarkii saddexaad Ee Xalay Dhacay Dalka Faransiiska

0
303
Baadari Greek ah ayaa dhaawac ka soo gaadhay kaddib markii la toogtay, xilli uu xidhayey kaniisad ku taalla magaalada Lyon.
Golaha baadiriyada dalka Faransiiska ayaa dhalleeceeyey falkan, waxa ayna ku tilmaameen cimillo amnidarro oo dalkii ku sii fafaaysa.
Shaqsiga weerarkaasi looga shakiyey ayaa isku dayay inuu meesha ka baxsado, balse booliska Faransiiska ayaa gacanta ku soo dhigay ninki hubeysnaa ee weerarka geystay.
Kiiska qofka falkaasi looga shakisan yahayna waxaa gacanta ku haya dacwad oogaha qaran ee ka hortagga falalka argagaixisada dalkaasi.
Madaxweyne Macron goobaha ay dadku isugu yimaaddaan wuxuu ka howl geliyey 4,000 oo askari oo dheeraad ah.
Wixi ka dambeeyey weerarki labaad ee khamiisti ka dhacay kaniisad ku taallay Magalada Nice ee ku taalla Koonfurta Faransiiska oo uu geystay shakhsi muslim lagu sheegay.
Balse ujeeddada shaqsiga weerarka geystay uu lahaa ayaan la sheegin, iyada oo ay hay’adaha amniga ay billaabeen baadhitaan dhacdadaasi ku aaddan.
Dhacdadan ayaa imaneysa maalma un kaddib marki kaniisad ku taalla Koonfurta Faransiiska 3 qof middi lagu dilay.
Iyada oo madaxweyne Macron uu weerarkaasi ku tilmaamay mid argagaixiso.
Weerarka Lyon oo xalay dhacay waxaa lagu beegsaday baadari kaniisad soo xirayey.
Waxaana dhaawaca baadariga ka soo gaaray dhaawac, iyada oo ninka falkaasi geystay uu qori adeegsnayey.
Wasaaradda arrimaha gudaha Faransiiska waxay sheegtay goobta uu dhibka ka dhacay in ciidamada amniga iyo shaqaalaha gurmadka shacabkana goobtaasi laga fogeeyey.
Maayarka Lyon Gregory Doucet wuxuu sheegay wakhti xaadirkan iney la sheegi Karin sababta qofka falkaasi geystay uu sidan u sameeyey.
Ra’isal wasaaraha Faransiiska Jean Castex wuxuu sheegay dowladdu iney ka shaqeyneyso sidi qofkasta waxa uu aaminsan yahay six or ah uu gudan lahaa, dowladduna ay sugeyso amniga goobaha cibaadada.
1px transparent line

Weerarradi ugu dambeeyey ee ka dhacay gudaha dalka Faransiiska haddii aan eegno:

20-ka bisha Oktober: Macallin taariikda dhiga oo wax ka barayey iskuul ku yaalla duleedka magaalada Paris ayaa qoorta laga jaray.
September 2020: laba qof ayaa weerar toorri lagu dhaawacay kaddib marki weerar lagu qaaday xafiiski hore ee Charlie Hebdo.
October 2019: Weerar ka dhacay xaruunta dhexe ee booliska magaalada Paris ayaa lagu dilay afar qof oo ay seddex ka mid ah ahaayeen askar boolis ah.
July 2016: Laba qof ayaa weerar ku qaadday kaniisad ku tiillay waqooyiga Faransiiska waxayna ku dhaawaceen laba qof uu mid ka mid ah yahay baadari.
July 2016: Nin hubeysan oo gaari weyn oo xamuul waday ayaa jiiray rasaasna ku furay dad dabbaaldeg ku howlanaa wuxua halkaasi ku dilay 86, qof iyada oo uu weerarkaasi uu sheegtay ururka IS.
November 2015: Nin hubeysan oo isa soo miidaamiyey ayaa weerar qorsheysnaa ka fuliyey goob ay dadka isugu yimaaddaan oo ka koobneyd maqaayado, baarar, garoon ciyaaraha waxaana halkaasi ku dhintay 130 qof halka ay boqollaal kalana ku dhaawacmeen.
January 2015: Laba qof oo hubeysnaa oo ka tirsanaa ururka IS ayaa weeraray xafiiska Charlie Hebdo ee sawir gacmeedka ka sameeyey Nabi Muxamed (NNKH) oo ku yaalla magaalada Paris waxayna dileen 12 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here