Laba Shacab Oo Dhulkoodii Hooyo Lagu Dul Dagaalamayo

0
330

Cidna ma oga tirada rasmiga ah ee daka ku dhintay dagaalka sida cusub uga qarxay gobolka Nagorno-Karabakh. Madaxweynaha Ruushka wuxuu sheegay dagaalkaasi iney ku dhinteen 5,000 oo qof, oo isugu jira dad rayad ah iyo ciidamada labada dhinac ee dagaallamayey. Haddaba waa kuwan qaar ka mid ah sheekooyinka dadka labada dal dagaalka uga dhintay.

“Anigu wey igu adag tahay balse waan ku faanaa wiilkeyga inuu dhiiggiisa uu ku baxay dhulkeenna hooyo,” ayey tiri Mushkenaz Haziyeva oo ku sugan magaalada Kurdamir ee dalka Azerbaijan oo taleefan iigu warrameysay.

Ziyadhan Aliyev oo 24 jir ah wuxuu bartay maaddada ‘Computer Programming’, wuxuuna jeclaa akhrinta buugaagta taariikhda. Mana ahayn nin guurka u degdega. Adeegga askarinimada iney u dhammaato waxaa ugu harsaneed toddobaadyo oo keli balse wuxuu geeriyooday 1-da Oktober, maalmo marka uu socday dagaalka cusub.

Ziyadhan waxaa lagu dilay dagaalka lagu qaaday dib u qabsashada tuulada Talish.

Ziyadhan Aliyev

Waaliddiintiisu waxay asal ahaan ka soo jeedaan tuulada Soltanli, ee ku taallo koonfurta gobolka Jabrayil. Qoyskiisa iyo boqollal kun oo qoys oo ka soo jeeda qowmiyadda Azerbaijan ayaa lagu qasbay iney guriyahooda ka baxaan kaddib marki ay ciidamada Armeniya dhulkaasi qabsadeen 1990-kii.

Ziyadhan aabbihii wuxuu ka qayb galay dagaalki ugu horreeyey ee Karabakh. Waxyar kaddibna waxaa lagu dhawaaqay xabbad joojin balse ma jirin heshiis nabadeed oo ay labada dal kala saxeexdeen.

Gobolka Nagorno-Karabakh ee ay isku haystaan labada dal ee Armenia iyo Azerbaijan ayaa caalamka looga aqoonsan yahay inuu ka trsan yahay dalka Azerbaijan, balse waxaa gacanta ku haya qowmiyadda Arman ee Armeniya ka soo jeedda.

“Haddii aad biyo iyo ciid isku darto waxaa kuu soo baxaya wasaq, balse haddii aad ciid iyo dhiig isku darto waxaa kuu soo baxaya dhulka hooyo,” ayey tiri hooyadii.

Dagaalka cusub ee u dhaxeeya Azerbaijan iyo Armenia ayaa dib u billowday 27-ka bisha September.

Azerbaijan qasaaraha ciidamadeeda gaaray wax faahfaahin ah kama bixin, balse waxaa soo baxaya warar sheegaya in la helayo macluumaad ku saabsan aaska iyo qabuuro tira badan oo ciidamada loo sameynayo.

Warar rasmi ahna waxay sheegayaan 1,100 askari iney Armenia dagaalka kaga dhinteen. Ciidamada ugu badan ee dagaalkaasi ku dhintayna ay yihiin ciidamo dhawaan la qoray oo badankood dhashay wixi ka dambeeyey sanadki 2,000.

Labada dhinacna waxaa dagaalka kaga dhimatay dad rayad ah oo ay tiradodu kor u dhaafeyso 130.

Dagaalka labada dal u dhaxeeya ayaa soconaya xilli ay labada dalba la daalaa dhacayaan cudurka safmarka ee Coronavirus.

Dalka Armenia oo ay dadka ku nool ay gaarayaan 3 malyan, dadka dagaalka kaga dhintay qiima weyn ayey ugu fadhidaa.

Sargis Hakopyan

Sargis Hakopyan oo 19 jir ah waa farshaxaniste sawir gacmeedka aad ugu wanaagsan.

Dagaalka socda waxaa ku dhimatay hooyadii iyada oo ilaa iyo hadda aan meydkeeda qoyskeeda la siinin.

Aziza Gasanova, oo 27 jir ah waxaa dagaalka kaga dhintay Fariz Gasanov.

“Aragtidiisa waxaa iigu dambeysay 10-ka bisha October. Guriga ayuu yimid isaga oo aad u degdegsan qabeys ayuu galay markina wuu baxay xataa cunta ma cunin. Wuxuu gacanta ku sii qaatay oo keli ah 3 xabba oo shokolaata ah, wuu degdegsanaa carruurta ayuuna dhunkaday wuuna baxay” ayey tiri iyada oo xusuusaneyso xilligi argatida ninkeeda ugu dambeeyey.

“Fariz da’diisu waxay ahayd 34 jir, wuxuu ahaa ninka wanaagsan oo naxariis badan, askarinimada wuxuu qortay 19 jir wuxuuna ahaa mid iinta badan xaaladda Karabakh ka murgo, wuxuuna sheegi jiray dhibka gobolka ka taagan inuu ahaa mid uu aabbihii uu ka dhaxlay ayuu ii sheegi jiray, ayey tiri.

Fariz Gasanov iyo xaaskiisa Aziza

Taleefankiisa waxaa iigu dambeysay 11-ka bisha October. Maalma kaddibna Aziza waxay ogaatay inuu ninkeeda uu ku dhintay magaalada Fizuli, oo ay dib u qabsadeen ciidamada Azerbaijan. Maalmo kaddibn waa la aasay.

“Carruurtannada waxaan ku ababineynaa naceybka Armenia sababta oo ah waxay dileen ilmahannaga. Haween badanna carmal ayey ka dhigeen, hooyooyinna carruurtooda ayey ka dileen. Balse dhulkan innagaa leh. Cidwalba wey ogtahay dhulkan iney Azerbaijan leedahay.”

Davit Hovhannisyan

Dagaalka u dhexeeya Azerbaijan iyo Armenia ayaa ka dhashay muranka ku aadan gacan ku heynta gobolka Nagorno-Karabakh kaas oo bilowday horraantii sagaashamaadkii.

Labada dhinac waxay isku jeedinayaan eedeynta ah in dagaalka mid-ba midka kale uu ku soo qaaday.

Nagorno-Karabakh waa gobol dhaca dalka Azerbaijan, waxaana inta badan ku nool shacab kasoo jeedo Armenia oo taageera ka hela dhinaca Armenia.

Xaqiiqooyin ku saabsan Nagorno-Karabakh

  • Waa dhul buuraley ah oo ku fadhiya qiyaastii 4,400 kiilo mitir oo laba jibbaaran
  • Waxaa dhulkaasi deggan Kirishtan Armeniya ka soo jeeda iyo Tarki Turkiga ka soo jeedda
  • Xilligii midowgii Soofiyeet gobolkaasi wuxuu noqday gobol madax-bannaan oo ka tirsan jamhuuriyadda Azarbajaan
  • Caalamkana waxaa looga aqoonsan yahay inuu yahay gobol madax-bannan oo ka tirsan Jamhuuriyadda Azarbajaan
  • Dagaalladi dhacay inti u dhaxeysay 1988-1994, waxaa ku dhintay ku dhawaad 30,000 oo qof halka ay ku barakaceen dad lagu qayaaso 1 malyan
  • Dagaalki 1990-yadi dhacayna kooxo gooni u goosad ah waxay qabsadeen dhulal kale oo ku yaalla xadka Azarbajaan
  • Khilaafka ayaa sii xoogeysanayey tani iyo marki la dhaqan geliyey xabbad joojinti 1994-kii
  • Turkigu si aan gabbasha lahayn wuxuu u taageeraa Azarbajaan
  • Ruushka wuxuu xaruumo militari uu ku leeyahay Armeeniya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here