Musharraxiintii Ugu Badnaa Oo Go’aan Culus Ka Soo Saaray Doorashada 20/21

0
205

Inta badan Musharraxiinta u taagan qabashada xilka madaxweynaha afarta sano ee soo socota ayaa war cusub ay soo saareen kaga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan arrimo ku aadan sida loo wajahayo doorashada 2020/2021.

Qoraalkan oo ay si wadajir ah u soo saareen illaa 12 musharrax ayaa waxa ay dhammaantood ku qaadaceen ka qeyb-galka doorashada soo socota ee Soomaaliya.

Musharraxiintan ayaa ku eedeeyey dowladda federaalka inay wado boob iyo ku shubasho ku aadan doorashada 2020/2021,

Sidoo kale waxa ay sheegeen in aysan kalsooni ku qabin guddiyada maamulaya doorashada oo ay tilmaameen inay u badan yihiin shaqaale dowladeed iyo saraakiil ka tirsan NISA.

“Waxaan halkaan ku cadaynaynaa in soo xulista iyo magacaabista xubnaha guddiyadu aysan waafaqsananayn heshiisyadii siyaasadeed ee hore loo gaaray, mabaadii’da dowliga ah, Dastuurka JFS iyo shuruucda kale ee dalka, isla markaana aanan aqbali doonin inaan qeyb ka noqonno hannaan doorasho oo loo qaabeeyey boob iyo ku shubasho doorasho taas oo si cad uga hor imaaneysa Qodobbada 11aad iyo 12aad ee Dastuurka iyo mabaadii’da guud ee matalaadda shacabka,” ayuu lagu yiri warsaxaafadeedkan.

Sidoo kale musharraxiintan oo ay ku jiraan kuwa saameyn leh, sida Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud, Xasan Cali Khayre, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Shariif Sheekh Aadan & kuwa kale ayaa shaaca ka qaaday nay ka cabsi qabaan in dalka uu galo firaaq Dastuuri ah oo sababi kara burbur iyo dib u dhac.

Ugu dambeyn waxa ay ku baaqeen in la saxo khaladaad ay sheegeen inay ka jiraan dhismaha guddiyada doorashada, si loo fuliyo heshiiskii laga gaaray doorashooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here