Hooyo Iyo Laba Carruur Ah Oo Ay Dhashay Oo Lagu Dilay Soomaaliya

0
330

Wararka ka imanaya degmada Warshiiq ee gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan deegaanka lagu magacaabo Fillo –dheer ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeysan ku dileen hooyo iyo laba carruur ah oo ay dhashay.

Hooyada geeriyootay ayaa la sheegay inay Umul kula jirtay Ilmo yar oo ay dhashay waxaa sidoo kale lala dilay Ilmo kale oo saddex sanno ah.

Weerarkan ayaa sidoo kale lagu dhaawacay sida ay dadka deegaanku sheegeen haweeney isla qoyska ka mid aheyd in wiil shan sanno jir ah.

Falkan ayaa argagax ku abuuray dadka deegaanka oo sheegay in dhacdadan ay salku heysno Aano Qabiil, iyadoo badhtamihii bishii September deegaanka Raagga Ceel isla gobolka Shabeellaha Dhexe rag hubeysan ku dileen Lix Qof oo dhamaantood culimo ah kuwaa oo ku sugnaa goob Qur’aan Akhris.

Wali ma jiro wax war ah oo ay maamulka gobolka Shabeellaha dhexe ka soo saareen dadka rayidka ah ee lagu dilay degmada Warshiiq.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here