Muqdisho Iyo Mucaaradka: Maxaa La Filaa Todobaadkan?

0
312

Waxaa la filayaa in toddobaadkan magaalada Muqdisho ku soo laabtaan dhamaan siyaasiinta mucaaradka ah iyo musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya, kuwaas oo muddooyinkaan ku maqnaa dalka dibadiisa.

Mas’uuliyiinta kusoo wajahan magaalada Muqdisho waxaa kamid ah, Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Kheyre, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Maxamed Cabdiraxmaan Siiriin, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Sheekh Daahir Maxamuud Geelle iyo mas’uuliyiin kale,

Madaxdaan ayaa hada ku kala sugan Nairobi, Jabuuti, Masar iyo Turkiga waxaana jira warar sheegaya in qaarkood ayba soo gaareen magaalada Muqdisho maalmihii ugu dambeeyay.

Mas’uuliyiintaan ayaa markii ay dalka ku soo laabtaan qaban doono shirar ku saabsan xaaladda dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo guddiyada magaaban.

Sidoo kale wararka aan helnay ayaa sheegaya in wixii hadda ka dambeeya kulamada siyaasadeed ee doorashooyinka ay u badnaan doonaan gudaha dalka, islamarkaana laga soo wareegan doono kaambeenka dibadda ah.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta ayaa la filayaa inay kadib aadaan maamul goboleedyada dalka oo ay ka raadinayaan taageero, maadaama halkaas lagu soo dooran xildhibaanada labada aqal ee baarlamanka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here