Barkhad Jaamac Batuun Oo Shaaca Ka Qaaday In Hunguri Ka Hayo Kamid Noqoshada Xildhibaanada Barlamaanka JSL

0
377

Afhayeenka Xisbiga Wadani Barkhad Jaamac Batuun ayaa shaaciyey inuu yahey murashax u tartamaaya golaha wakiilada Somaliland kana sharaxan gobolka Maroodijeex.

Afhayeenka Xisbiga Wadani Barkhad Jaamac Batuun ayaa shaaciyey inuu yahey murashax u tartamaaya golaha wakiilada Somaliland kana sharaxan gobolka Maroodijeex.” Hamigeygu waa sarreynta sharciga iyo ilaalinta sharafta shicibka.”

Waxaan maanta si rasmiya ugu dhawaaqayaa in aan isu sharaxi doono Doorashadda Goolaha Wakiiladda ee Jamhuuriyadda Somaliland

kadib markii aan garwaaqsaday in qaranku u baahan yahay goole wakiileed oo leh xirfad sharci, awood ay kula xisaabtamaan xukumadda, aqoon ay ku sameeyeen xeerar badan oo qabyo qaranka ka ah uguna mihiimsan yihiin xeerarka 60 sanno jirtsaday ee dhex yaal Maxkamaddaheena lana jaan qaadi karin nolosha casriga ah kuwaas oo kaabis iyo wax ka bedel badan u baahan iyo in laga dhigo xeerar magacaga qaranka Somaliland ku qoran oo umaddani leedahay maadama oo kuwani yihiin kuwo dawladdii Somalia leedahay sidoo kalena la sameeyo xeerar badan oo dalkeenu u baahi qabo.

Kadib markii aan ku qancay in loo baahan yahay cid bulshada baylahdeeda caafimaad, waddo, biyo, laydh, waxbarasho, horumar kula xisaabtanta hay’addaha xukumadda u xilsaaran arrimahaas waxay shacabka wax ugu qaban waayeen?

Kadib markii ay i soo baxday in bulshadu ka daashay qabyaalad ay wax ku doorato una baahan tahay cid matalaadeeda iyo masiirkeeda qaada oo danaheeda dawladda u sheegta.

ayaan gaadhay go’aanka ah in aan isku sharraxo xildhibaan baarlaam.

Waxaan ku kalsoonahay in aad igu garabsiin doontaan, igu taageeri doontaan, codkiinana igu dooran doontaan si aan idiinku adeego oo aan shaqaale shicib idinku noqdo balse aanan noqon mid shilimaadkiina urursada. hamigeygu waa sarreynta sharciga iyo ilaalinta sharafta shicibka.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here